Faysal Cali-waraabe oo markii 4aad loo doortay Guddoomiyaha iyo musharraxa UCID

Hargeysa -(Berberanews)-Faysal Cali-waraabe, ayaa markiu 4aad loo doortay guddoomiyaha iyo musharraxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID.
Shirweynihii 4aad ee xisbiga  UCID oo lagu soo gebagebeeyey magaalada Hargeysa maanta, sidoo kale xildhibaan Cumar Jaamac Faarax ayaa loo doortay guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga UCID
Waxa kaloo la doortay 5 guddoomiye ku-xigeen oo siman, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin:
Cali Xaamud Jibriil
Siciid Cumar Axmed
Ismaaciil Faarax
Canab Cabdi Xirsi
Ibraahim Cabdi.
Sidoo kale, waxa Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID loo doortay Ibraahim Cabdi Xuseen, halka ku-xigeenkiisa loo doortay Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir.
Cabdicasiis Xaamud Axmed ayaa loo doortay xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga UCID.

Berberanews.com
Info@berberanews.com