Cabdiraxmaan Cirro oo Farriin Digniin iyo Hanjabaad u Diray Madaxweyne Biixi

Helsinki  -(Berberanews)-Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga mucaaradka ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa farriin hanjabaad iyo digniin isugu jirta u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi.
Murashax Cirro oo khudbad u jeediyey jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Finland xalay, waxa uu uga digay Madaxweyne Biixi dib-u-dhac ku yimaad doorashada madaxtooyada ee muddaysan bisha November ee 2022, isagoo ku hanjabay haddii taasi dhacdo in aan cidna cid ka xoog weynaan doonin.
Md. Cirro oo arrimaas ka hadlayey waxa uu yidhi; “Madaxweyne Muuse waxaan leeyahay doorashadii 2017-kii lagu tartamay kursigii madaxweynaha adiga qaatay, doorashadii kalena way soo dhawdahay oo waa 13 November 2022, markaa Madaxweyne ha ka baqan in aad tartanto, dalka iyo dadkuba doorasho ayey doonayaan cid yeelaysa doorasho dib u dhacdaana ma jirto; asxaabta mucaaradka ah yeeli mayso, shacbigu yeeli maayo waqti innagu filan oo aynu ku tartan waynu haysannaa.”
“Waan ka xumahay muran aan jirin in dalka laga abuuro dadkana in la jaah-wareeriyo looma baahna. Xeerkan muranka la geliyay Madaxweynuhu waajibkiisii wuu ka gutay oo 21-kii casho ee ay ahayd in uu ku oggolaado ama ku diido wuu ku saxeexay, waannu ku diiday, laakiin waxa la isku haya Golaha ayaanu keenin iyo in uu keenay ahayd…haddii uu soo celiyayna maanta gole ayuu horyaalla golaha ayaana xaq u leh go’aanka uu ka gaadhayo.
Goluhu wuxuu xaq u leeyahay in uu madaxweynaha ku raaco soo jeedinta iyo in uu ku diido wixii kale ee la yidhaahdaba waa muran.
Muranku wuu iska dhammaan doonaa. Cidna wax aanay xaq u lahayn heli mayso, cidna cid ma khasbi karto, cidna cid kama xoog weyna, laakiin sharciga ayaa ina kala maamulaya oo sharciga ayeynu ku soconaynaa,” ayuu sii raaciyey Cirro.

Berberanews.com
Info@berberanews.com