Magacyada 4 xubnood lagu sheegay inay Somaliland metelaan oo lagu doortay Muqdisho

Muqdisho (BerberaNews) Guddiga Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Gobollada Woqooyi ayaa maanta dib u bilaabay doorashada musharraxiinta ku tartamaya kuraasta aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya.

Jaamac Maxamed Askar oo hore uga mid ahaa barlamaankii hore ee Soomaaliya ayaa markale ku guuleystay kursiga tirsiigiisu yahay Hop 254 ee Golaha Shacabka, kadib markii uu tartanka ka tanaasulay Aadan Axmednuur Haybe oo la tartami lahaa.

Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi ayaa ku guulaystay kursiga ee labaad ee doorashada, isagoo helay 58 cod, halka labada musharrax ee la tartamayey ay kala heleen Axmed Maxamuud Muxumed oo helay 22 cod  iyo Cabdillaahi Biixi Xuseen oo helay 21 cod.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa iyadana ku soo baxday doorashada maanta ka qabsoomtay magaalada Muqdisho, waxayna mar kale difaacatay kursigii ay ku fadhiday, kadib markii ay tartanka ka tanaasushay Caasha Aadan Yuusuf oo la tartami lahayd

Waxa kursiga 4aad ee maanta doorashadiisu dhacday ku guulaystay xildhibaan Cabdillaahi Cismaan Ducaale, kadib markii ay tartanka ka tanaasushay Muna Cali Ibraahim oo la tartami lahayd.
Sida muuqata weli dhinaca tanaasulka tartamayaasha ayaa ku badan doorashada aqalka hoose, iyadoo arrintani qeyb ka ah waxyaabaha cabashada laga muujiyo ee hufnaanta doorashada.