Dawladaha Somaliland iyo Jabuuti oo kala saxeexday heshiis

Jabuuti -(Berberanews)-Dawladaha jamhuuriyadaha Somaliland iyo Jabuuti, ayaa kala saxeexday heshiis ballaadhan oo la xidhiidha horumarinta waxbarashada labada dal.

Sidaa waxa shaaca ka qaaday Wasiir-ku-xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdixakiin Siciid Bustaale oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti.

Wasiir Bustaale oo waraysi gaar ah siiyey MM TV, ayaa sheegay inuu caasimadda Jabuuti ku joogo martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Wasaaradda Waxbarashada ee Jabuuti, halkaasna ay wasaaradaha labada dawladood ku wada galeen heshiis ku saabsan horumarinta tacliinta.
“Heshiiska labada dal wuxuu ku salaysan tahay sidii xirfadaha iyo aqoonta labada wasaaradood gacanta ku hayaan aanun u wadaagi lahayn, iyo in aannu sii xoojinno xidhiidhka waxbarasho ee labada dawladood ka dhexeeya, oo Afrikanna sal ay u tahay iskaashiga dawladaha jaar ka ah oo aannu ka bilowno dalka Jabuuti,” ayuu yidhi Wasiir Bustaale.

Sidoo kale, Wasiirku waxa sheegay in ay wax ka korodhsanayaan qaybta waxbarashada farsamada gacanta ee dalka Jabuuti, si ay wax ugaga beddelaan dugsiyada farsamada gacanta ee Somaliland.