Addis Ababa oo ku gacan-saydhay qaraar qaramada Midoobay kasoo saartay

Geneva   -(Berberanews)- Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qarammada Midoobay ayaa amar ku bixiyey in baadhitaan caalami ah lagu sameeyo xadgudubyadii ka dhacay dalka Itoobiya intii colaaddu socotay.
Midowga Yurub ayaa golaha xuquuq isnaanka ugu yeedhay kulan gaar ah oo ka dhacay Geneva, kadib markii kooxaha xuquuqul isnaanku ay sheegeen in gabboodfallo Itoobiya ka dhaceen intii ay socotay colaadda sannad jirsatay ee dalkaas, xadgudubyadaas oo ay sheegeen in ay noqon karaan dambiyo dagaal.
Xukuumadda Itoobiya ayaa qaraarka ku tilmaantay mid siyaasadaysan oo aan daacad laga ahayn. Golaha xuquuqul isnaanka ayaa mar kale uga digay dhinacyada dagaallamaya in ay gaystaan xadgudubyo waaweyn.

Wuxuu goluhu sheegay in ay jirto khatar ku wajahan gobolka oo dhan, wuxuuna ku baaqay in dhammaan dhinacyadu isxakameeyaan.

Qarammada Midoobay ayaa walaac ka muujisay dambiyada dagaal ee ka dhici kara degaanka Tigraay, maadaamaa ay ciidammada Itoobiya hawlgalkoodi ugu dambeeyey oo ay ku qabsanayaan magalada Maqalle ay fulinayaan, marka uu dhammaado muddadii ay dawladda dhexe u qabatay xoogagga TPLF iney isku soo dhiibaan.

Dagaalka u dhexeeya ciidammada dawladda dhexe ee Itoobiya iyo xoogagga degaanka Tigraay ayaa socda ku dhawaad saddex toddobaad.

Waxa lagu soo warramayaa dagaalkaasi boqollaal qof iney ku dhinteen, kumannaanna ay ku barakaceen.

Hay’adaha gargaarku waxay sheegeen colaadda iney sii hurineyso masiibooyinka bani-aadaminimo, isla markaana bariga Afrika ay xasillooni darro ka abuureyso.

Qarammada Midoobay waxay sheegtay inay walaac ku abuurtay hanjabaadaha dagaalka la xidhiidha oo maalmihii u dambeeyey ka soo yeedhayey ciidammada Itoobiya oo ay ku sheegeen iney u ruqaansanayaan qabsashada caasimadda Tigraay ee Maqalle oo ay ku nool yiihiin dad ka badan 500,000.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa xoogagga TPLF u qabtay 72 saacadood inay isku soo dhiibaan Axaddii toddobaadkan, isaga oo sheegay inay si nabad ah dowladda isugu soo dhiibaan ‘maadaamaa aan la joogin meel laga noqon karo.’

Hogamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael wuxuu si cad uu ugu gacan seydhay baaqi Ra’isal wasaare Abiy Axmed ee ahaa iney ilaa Arbacada ugu dambeyn xoogagga TPLF dawladda isu soo dhiibaan.

Debretsion waxa kale uu sheegay shacabkiisu iney diyaar u yihiin inay u dhintaan difaacidda xuquuqda ay u leeyihiin iney degaankooda iyagu maamulaan.

Komishanka Xuquuqda Aadanaha dalka Itoobiya ayaa ururka dhallinyarada degaanka Tigraay ku eedeeyey inay horraantii bishan xasuuq ka geysteen magaalada Mai-Khadra oo ay dileen dad ka badan 600 qof oo rayad ah.

Wuxuu Komishinku sheegay dhallinyaradu iney magaalada Mai-khadra dil ugu geysteen dadka aan ka soo jeedin qoomiyadda Tigreega, guriyahoodana ay gubayeen.

Hay’adda Amnesty International oo u doodda xuquuqda aadanaha waxay hore u sheegtay in magaalada Mai-khadra uu xasuuq ka dhacay, balse ma aanay sheegin cidda xasuuqaasi geysatay iyo inta qof ee la dilay.

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigraay ee TPLF ee maamula degaanka Tigraay wuxuu diiday dilkaasi inuu wax lug ah uu ku leeyahay, wuxuuna dalbaday guddi madaxbannaan oo heer caalami oo baadhitaan ku sameeyo dilalka dhacay in loo soo diro.

Dagaalka ka socda degaanka Tigraay wuxuu ka dhashay khilaaf xooggan oo muddo ka dhex taagnaa Xisbiga TPLF oo ka mid ah xibiyada siyaasadeed oo ugu awoodda badnaa Itoobiya iyo dawladda dhexe uu hoggaamiyo Dr Abiy.

Iyada oo khilaafka ugu weyna uu soo ifbaxay markii Abiy Axmed bishii June uu dib u dhigay doorashada guud isaga oo u sababeeyey faayraska Corona dartii iny doorasha xilligeeda ku dhici karin.

Dawladda dhexe ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed waxay TPLF u aragtaa sharci darro, iyaga oo ku doodaya Abiy inuu sharci uu dalka ku hoggaamin karo haysan.

4-tii bisha November ra’isal wasaaraha Itoobiya wuxuu iclaamiyey howlgal ka dhan ah TPLF, isaga oo ku eedeeyey iney malleeshiyaad daacad u ah ay weerar ku qaadeen xarunta ciidammada qaybta woqooyi oo fadhigoodu ahaa magaalada Maqalle.

In kabadan 40,000 qof oo dagaalkaasi ka qaxay ayaa gaadhay dalka Suudaan ee Itoobiya deriska la ah.

Qaar badan oo ka mid ah dadka dagaalkaasi ka soo qaxayna waxay sheegeen inay ka soo carareen duqeymaha, toogashada iyo mindiya dadka lagu beegsanayo.

Berberanews.com
Info@berberanews.com