UK AID oo maalgelisay mashruuc shaqo abuur u ah Haweenka Berbera

Berberanews-(Berberanews)-UKAID, ayaa maalgelisay mashruuc shaqo loogu abuurayo haweenweynaha magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Mashruucan oo uu maanta dhagaxdhigay Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamud Xasan iyo masuulliyiinta UKAID, ayaa noqon doona suuq cusub oo haweenku ku iibin doonaan waxsoosaarka Kalluunka.

“Magaalada Berbera waxa Laga Hirgalinayaa Suuq wayn oo lugu iibin doono wax soo saarka Gobolka, gaar Ahaan Kalluunka, Suuqaas Oo U Gaar noqon doona Haweenka, dhulka dhismaha laga gir galin doona waxa bixisay Dawlada Hoose Ee Degmeda Berbera , Waxaana Maalgalinayaa Mashruucan UKAID.” Sidaa waxa yidhi Maayarka Berbera Cabdishakuur Ciddin.

Berberanews.com
Info@berberanews.com