Taliye Nuux oo la wareegay qalab loogu deeqay Ciidammada Qaranka Somaliland

Hareysa-(Berberanews)-Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka ee Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa qalab kala duwan kala wareegay urur ay ku midoobeen jaaliyadda Somaliland ee dalka Iswidhan.

Xuseen Aadan Wadaad-yare oo ka mida qurba-joogta Somaliland eek u nool dalka Sweden ayaa sheegay in deeqdaas ay ka soo uruuriyeen qurbajoogta Somlailand ee dalkaas ku nool, waxaanuu intaas ku daray in u jeedadu tahay inay qalabeeyaan cisbitaalada ciidanka qaranka.

Amb. Sakariye oo ah safiirka Somaliland ee dalka Sweden ayaa qurbajoogtaas ku amaanay dadaalka au ugu jiraan sidii ay wax ula qaban lahaayeen ciidamada qaranka, waxaanuu xusay in tallaabadaasi tahay mid ku daysho mudan. Amb. Sakariye waxa kale oo xusay in ay jiraan deeqo kale oo jaaliyaddaasi ay soo gaadhsiin doonto degaano kale oo Somaliland ah.

Ugu dambayntii taliyaha ciidanka Somaliland sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa u mahadceliyay jaaliyada dalka Sweden waxaanuu xusay in qalabkaas ay gaadhsiin doonaan cisbitaalada kala duwan ee ciidamada qaranka, kuwaas oo ku kala yaala gobolada dalka Somaliland.

Berberanews.com
Info@berberanews.com