Hoggaanka Xisbiyada Somaliland oo kulan wadajir ah la yeeshay weftiga Maraykanka

Hargeysa -(Berberanews)-Hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si wadajir ah kulan ballaadhan ula yeeshay wefti sare oo ka socda dalka Maraykanka oo maalmihii u dambeeyay safar shaqo ku joogay Somaliland xalay.
Hoggaanka xisbiyada UCID, KULMIYE iyo WADDANI iyo weftiga Maraykanka ayaa ka wadahadlay xaaladda siyaasadeed ee mandaqadda Geeska Afrika, iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka ee dhinacyada horumarka, dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka.

Berberanews.com
Info@berberanews.com