Australi-(Berberanews)-Shan caruur ah ayaa dhimatay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ka soo dhaceen goob ciyaareed ka dib markii uu lasoo dhacay nuufimaha hawada loo diro goob ku taal dalka Australia, sida ay booliisku sheegeen.
Shilka – oo ay sababtay dabaysha – ayaa maanta ka dhacay maalin madadaalo ah oo dugsiga hoose ah oo ku yaal Devonport, Tasmania.
Booliisku waxay sheegeen in carruurta ay ka soo dhaceen 10m (32ft), iyadoo laba wiil iyo laba gabdhood ay ka mid yihiin dhibanayaasha.
Taliyaha Bilayska Tasmania Darren Hine ayaa yidhi. “Qalbigeena ayaa ka go’aya qoysaska iyo ehelada, saaxiibada iskuulka, macalimiinta dhalinyaradan oo si degdeg ah loo qaaday.”
Carruurtu waxay ku jireen fasalka lixaad, taasoo la micno ah inay u badan tahay 10 ama 11 sano jir. Ilmo shanaad ayaa markii dambe ku dhintay isbitaalka. “Duufaan dabaylo wata ayaa la sheegay in ay sababtay in qalcadda boodboodka ah iyo kubbadaha la buufiyo ay hawada sare u qaadaan,”