Sudaan oo ciidammo badan geysay xuduudka Itoobiya iyo xaalad dagaal

Khartuum – Dawladda Suudaan ayaa ciidammo badan dhoobtay xadka ay isku hayaan iyaga iyo Itoobiya, iyadoo ku dhawaaqday in ay si buuxda ula wareegtay gacan-ku-haynta degaannada lagu muransan yahay, iyadoo ay jirto xiisad ka dhexaysa Khartoum iyo Addis Ababa oo aad kor ugu sii kacday.
Ciidanka ayaa farriin u diray dadka shacabka ah, iyaga oo u sheegay in ay isdajiyaan oo guryahooda nabad ku joogaan.
Sudan ayaa 1-dii bishan December sheegtay in ciidammadeedu gacanta ku dhigeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidammada Itoobiya oo ku yaal degmada al-Fashaga markii ciidanka labada dal rasaas iswaydaarsadeen.
Arrintan ayaa timid kadib markii la sheegay in 21 ka tirsan ciidamada Sudan lagu dilay, 30 kalena lagu dhaawacay kadib dagaal 27-kii November iyaga iyo ciidammada Itoobiya ku dhexmaray degaanka Birkat Nourain oo ka tirsan degmada al-Fashaga.
Dagaalka soo cusboonaaday ayaa sababay in hoggaamiyaha millatariga Sudan, Gen Abdel-Fattah al-Burhan uu wacad ku maro in dalkiisu aannu hal taako oo dhul ah uga tanaasulayn Itoobiya.