Wefti ka socda Maraykanka oo la kulmay Xildhibaannada Baarlamaanka Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada iyo golaha guurtida, ayaa kulan la yeelanay xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo safar shaqo ku jooga Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Xuseen (Raambo),ayaa ka hadlay waxyaabaja ay kala hadleen waxaannu yidhi, “Waxaanu weftiga uga waranay marxalihii ay Somaliland soo martay iyo doorashooyinkii u dambeeyay ee Baarlamaanka iyo deegaanka Ee Somaliland ka qabsoomay. “Doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dhif iyo naadir ku ah Afrika ayay Somaliland caan ku tahay”, ayaan u sheegay weftiga.

Xildhibaan Maxamed Xuseen (Raambo), ayaa weftiga u sheegay in Somaliland tahay dal ku jira marxalad horumar ah,islamarkaana door muhiima ka qaata nabadgelyada mandaqadda Geeska Afrika.
“Mudanayaal, Waxa loo baahan yahay in Somaliland iyo Maraykanku ay iska kaashadaan dhinaca horumarinta.

Somaliland hadda waa ay ka gudubtay gargaar banii’aadanimo oo waxa ay ku jirta wejiga horumarka. Waa halka ay ku kala duwan yihiin Somaliya.

Sidaasdarteed waxa muhiim ah in xidhiidhku noqdo mid u gaar ah Somaliland.

Somaliland waa dal la aamini karo oo muhiim u ah nabadda iyo ammaanka aduunka. Waxa aannu door muhiim ah ka qaadanaa amaanka Badda Cas oo daruuri u ah ganacsiga aduunka. Muhiimadda istiraajiyadeed ee aannu leenahay iyo inay naga go’an tahay ilaalinta ammaanku,  waxa ay ka dhigaysa Somaliland dal u qalma inuu xidhiidh heer sare ah la yeesho Maraykanka.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho ayaa isna weftiga u jeediyay hadalo qalbigooda galay “Waxaanu isweydiinaynaa ilaa inta aanu gaadh sii ahaanayno. Waar Maraykanoow waxaanu idiinka fadhinaa idinka iyo Ingiriis intaad isu tagtaan inaad na aqoonsataan.

Waxaanu baahi u qabnaa inaanu Qaramada Midoobay ka mid noqono oo aanu khubad ka jeedino. Waxaad joogtaan dalkiinii labaad, marti ma tihidin. Weftigiinu rag ayay u badanyihiin doorka dambe wefti hablo u badan noo soo dira, waayo hablaha ayaa ragga ka naxariis badan.” Sidaas ayuu yidhi xildhibaan Indho.

Xubnaha kale ee kulanka ku weheliya waxaa la mid ahaa,Xildhibaan Naasir  Xildhibaan Bashiir , Xildhibaan Cabdirashiid iyo la taliye Faadumo Siciid ayaa iyaguna goobta ka jeediyay hadalo muhiim ah.

Geestooda, waxa ay weftigu ka mahadceliyeen sida dalka dalka loogu soo dhaweeyay, waxaanay sheegeen inay doodaha xildhibaanada u gudbin doonaan hay’adaha ay khusayso ee Maraykanka.

Berberanews.com
Info@berberanewa.com