Shirkadaha Sucuudiga oo la wareegaya Newcastle

Ciyaaro-(Berberanews)-Newcastle United waxaa loo ogolaan doonaa heshiisyada kafaala qaadis ah (Sponsorship) oo lala galo shirkadaha Saudi Arabia Premier League ayaa go’aamiyay

Salaasadii saamilayda Premier League ayaa meesha ka saaray xannibaaddii ku meel gaadhka ahayd ee la saaray naadiga tan iyo markii la wareegisteedu muran badan dhaliyay.

Naadiyadu kuma qanacsanayn la wareegidda, taasoo keentay in guddoomiyaha Premier League Gary Hoffman uu go’aansado inuu xilka ka tago dhammaadkii January 2022.

Maamulka Premier League ayaa go’aamin doona waxa uu yahay “qiimaha suuqa saxda ah”.

Waxaa jiray walaac ay Newcastle la saxiixan karto heshiisyo ay la gasho shirkadaha sida dhow ula socda Sanduuqa Maalgelinta Dadweynaha ee Sacuudi Carabiya kuwaas oo bixiya inta badan dhaqaalaha la wareegitaanka, oo loo isticmaali doono in lagu kordhiyo awooddooda kharashaadka sida waafaqsan xeerarka Financial Fair Play (FFP).

Berberanews.com
Info@berberanews.com