Sarkaal Maraykan ah oo ammaanay Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan

Taipe-(Berberanewa)-Lataliyihii hore ee amniga qaranka Mareykanka Robert C. O’Brien ayaa ugu baaqay Taiwan maanta in ay Maraykanka ka soo iibsato hub aad u horumarsan oo ka socda oo ay wanaajiso kaydkeeda milatari ee tababaran iyo ciidamada si loo abuuro ka hortag adag oo ka dhan ah duullaanka Shiinaha.

Sarkaalkan sare oo madax ka soo noqday xafiiska Amniga Qaranka  Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ammaanay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan arko dowlado yaryar sida Lithuania iyo Somaliland oo u istaagaya cagajuglaynta Shiinaha oo garab istaaga saaxiibadooda Taiwan,” ayuu yidhi.

O’Brien waxa uu ahaa qofkii afraad uguna dambeeyay ee u adeega lataliyaha amniga qaranka intii uu xilka hayay Donald Trump. Waxa uu talooyin la mid ah u jeediyay Taiwan horaantii sanadkan.

Berberanews.com
Info@berberanews.com