Sanaag oo si weyn looga soo dhoweeyey furista ururrada siyaasadda Somaliland

Ceerigaabo-(Berberanews)-Odayaasha, waxgaradka, haweenka iyo cuqaasha Gobolka Sanaag ayaa soo dhoweeyay digreetadii Madaxweynaha ee furista ururrada siyaasadda.

Iyagoo ka hadlaya degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayay sheegeen in siyaasadda dalku aanay kooto ahayn, waxaanay hanbalyeeyeen go’aanka madaxweynaha ee furista ururrada siyaasadda, iyagoo sheegay in doodaasi ay ku fadhido sharciga dalka, oo sheegay in tobankii sannaba mar la furo ururrada siyaasadda.

Geesta kale, waxay tilmaameen in furistu ururrada ay dhiig cusub oo firfircoon ay ku shubayso siyaasadda iyo hannaanka xisbiyada badan ee dalka, iyagoo xusay in furista ururradaasi ay ka caawin doonto dalka sidii loo heli lahaa mabaadii cusub oo lagaga baxo saboolnimada.

Ugu dambayn, waxay xuseen inay soo dhaweynayaan go’aanka Madaxweynaha ee furista ururrada oo ay sheegeen inay muuhiimad weyn oo sarraysa qaranka u leedahay.

Berberanews.com
Info@berberanews.com