Saaxil:Mashruuc Lacag Badan Ku Baxday oo La layahay halka laga hirgeliyey

Berbera  -(Berberanews)-Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida ee Golaha Wakiillada oo ku gudo jira kormeeridda iyo indho-indhaynta mashaariicdii laga fulliyey Miisaaniyada Qaranka ee k u xusan xisaab xidhka sannadkii 2020-ka, ayaa magaalada Berebera mar ay kormeerayaan mashaariicda laga hirgeliyey,waxay u soo baxday masharriic lacagtoodii la qaatay,kuwaas oo aan haddana la hirgelin,isla markaana goobihii laga dhagax dhigay ay yihiin bannaan
Guddida ayaa waxa intii ay ku gudda jireen u soo baxday maashaariic baddan oo kale duwan kuwaas oo ku xusan xisaab xidhkii 2020-kii,haseyeeshee aan la hirgelin,kuwaas oo ay sheegeen inay dabageli doonnaan lacagtaas halka ay martay,isla markaana ay la waddaagi doonnaan Golaha Wakilllada.
Xildhibaan Xasan Ogaal oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada,isla markaana xubin ka ah Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida ee Golaha Wakiilada oo arrintaas ka hadlay ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:-“Halkan aynu joognaa waa tuullada yare e Biyo kulule oo ku taal duleedka Magaalada Berbera ee caasimada Gobolka Saaxil,waxaan kormeeeraynay mashaariicda laga fuliyey miisaaniyaddii 2020-kii,kuwaas oo xisaab xidhka ku jira, halkan waxa ah in dhisme laga dhiso lacag baddan ayaa ku jirtaxisaab xidhkaa aanu dabagalkeeda wadno,taas oo ay qaadatay shirkada la yidhaah Som KAAMIL constriction company,haseyeeshee sida aad arkaysaan,meesha wax dhisma ihi kama yeello ,sababta markaa dhismihii loo dhisi waayey ee lacagta baddan ee halkaa ku jirta loogu fullin waayey ,waanu dabagelaynaa,halka ay nala gashano Qaranka iyo Golaha ,waanu u soo bandhigaynaa .”ayuu yidhi .”
Isagoo intaas ku darray “Iminka ma arragno wax dhisme ah ,waxaanu caddaynaynaa in aan wax dhisme ah lacagta halkan ku jirta lagaga dhisin goobtan aanu joog-no,lacagtaas miisaaniyadda 2020-ka ku jirtay halka ay martay ayaanu raadin doonnaan.”ayuu yidhi Xildhibaan Xasan .
Dhanka kalene BadhasaabkaGobolka Saaxil ayaa isna goobta ka hadlay in aanu sheegi karrayn mashruucaas meesha laga fulliyey,isagoo xusay in halkan uu amni ahaan uga fulli waayey,basle loo sheegay in meel kale loo beddel,taas oo aanu garanayn “Anniga iyo maayarka iyo wasaaradda Ganacsiga ayaa halkan wadda nimi goobtan masharuucaas miisaaniyada ku jiray 2020-kii waanu dhagax dhignayn ,kaddib waxa naga hor yimi arrimo nabad-gelyo,arrimahaas nabad gelyo ayuu mashruucani markaas u fulli waayey,markaa waxa war nagu soo gaadhay in wasaaradda Ganacsiga ya mashruucaa u beddeshay meel kale oo nabad-gelyo ah,taas-na ma xajiinin karro .”ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil.

Berberanews.com
Info@berberanews.com