Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay weftigii ugu cuslaa oo ka socda Koongaraska Maraykanka

Hargeysa – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti miisaan leh oo Aqalka Koongaraska dalka Maraykanka oo socdaal ku yimi caasimadda Hargeysa.
Weftiga oo ah kii ugu cuslaa dawladda Maraykanka ee socdaal ku yimaad Somaliland, waxa xubno ka ah xildhibaanno iyo siyaasiyiin caan ah oo saamayn weyn ku leh saaxadda siyaasadeed ee USA.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Hargeysa, kulanka Madaxweyne Biixi la yeeshay weftiga waxa lagaga hadlay arrimaha doorashooyinka, dimoqraadiyadda Somaliland iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha ayaa weftiga Maraykanka warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka Somaliland iyo horumarrada ay ku tallaabsatay muddada 30 sanno ah ee ay jirtay, wuxuuna u sheegay in Somaliland halkaa ku soo gaadhay isku duubni iyo qori isku dhiib.
Warku waxa uu intaas ku daray, in kulanka diiradda lagu saaray arrimaha horumarka dimoqraadiyadda, nabadgalyada, horumarinta, xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.

Weftiga culus ee ka socda Maraykanka, ayaa iyaguna dhankooda uga mahadnaqay xukuumadda Somaliland soo dhowaynta diirran, waxayna ballanqadeen in ay xogta Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinacyada horumarka iyo dimoqraadiyadda ka hanaqaaday horgeyn doonaan aqalka Koongaraska Maraykanka.
Weftiga ayaa sidoo kale isla maanta kulamo la qaatay golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, iyagoo kulamo kalena la yeelan doona qaar ka mid madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.