Imaaraadka oo ka baxay heshiiskii uu Maraykanka kaga iibsanayay diyaaradaha F-35

UAE-(Berberanews)-Imaaraatka Carabta ayaa ku wargaliyay Mareykanka inay joojinayaan wadahadaladio ay ku iibsanayeen diyaaradaha F-35.

Sarkaal ka tirsan Imaaraadka ayaa Salaasadii sheegay, heshiis ku kacaya 23 bilyan oo dollar oo ay sidoo kale ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa kale ee casriga ah.

Iibinta 50 diyaaradaha dagaalka F-35 ee ay samaysay Lockheed Martin (LMT.N) ee Imaaraadka Carabta ayaa gaabis ku yimid iyada oo ay jirto walaaca Washington ee ku saabsan xidhiidhka Abu Dhabi iyo Shiinaha, oo ay ku jiraan isticmaalka Huawei 5G ee waddanka. “Shuruudaha farsamada, xannibaadaha hawlgallada madax-bannaan, iyo falanqaynta qiimaha/faa’iidada ayaa horseeday dib-u-qiimaynta,” sarkaalka UAE ayaa ku yidhi hadal uu siiyay Reuters oo xaqiijiyay warbixin lagu daabacay Wall Street Journal.

“Mareykanku wuxuu sii ahaanayaa bixiyaha Imaaraadku door biday ee shuruudaha difaaca horumarsan, wadahadalada F-35 ayaa laga yaabaa in dib loo furo mustaqbalka,” sarkaalku wuxuu yidhi, isagoo raaciyay inay jiraan wadahadallo “wax ka qabashada xaaladaha amniga difaaca ee labada dhinac ee iibsiga”

Imaaraadku waxa uu saxeexay heshiis uu ku iibsanayo 50 diyaaradood oo F-35 ah iyo illaa 18 diyaaradood oo hubaysan, sida ay dad xog-ogaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters bishii January.

Goor sii horreysay, Pentagon-ka, afhayeen u hadlay John Kirby ayaa sheegay in iskaashiga Mareykanka iyo Imaaraadka uu ka xeelad badan yahay kana adag yahay iibinta hubka, Washingtonna ay ka go’an tahay inay kala shaqeyso Abu Dhabi si ay wax uga qabato su’aalahooda.

“Waxaan mar walba ku adkeysan doonnaa, iyadoo loo eegayo shuruudaha sharciga ah iyo siyaasadda, ee kala duwan ee shuruudaha isticmaalka,” Kirby ayaa yidhi.