Cirro oo si cadho leh uga hadlay buuqa ka dhashay furista ururrada, si adagna u weeraray Madaxweyne Biixi

Hargeysa -(Berberanews)-Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa cadho leh uga hadlay xeerka furista ururrada siyaasadda ee buuqa ka dhex abuuray Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo masuuliyadda arrinkaas si adag ugu weeraray Madaxweyne Muuse Biixi.
Murrashax Cirro oo socdaal ugu maqan dalka dibaddiisa, ayaa qoraal uu arrimahaas kaga hadlay oo uu soo saaray maanta, waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:
“Dawladnimadeenna waxa saldhiggeeda ugu weyn yahay in uu sarreeyo sharciga. Muddadii uu talada dalka hayey Madaxweyne Muuse Biixi waxa xisbiyadayada mucaaradka dulqaadkooda xuddun u ahaa dhawrista kala dambaynta, hannaanka dawladnimo iyo nabadda, welina waa ay ku taagan yihiin kuna adag yihiin, laakiin waxa cad in Madaxweynaheennu kala-qeybsanaantii uu ku yimid aannu weli ka waantoobin; maalin walba waxa uu la soo baxayaa dhaqan cusub oo uu ummadda ku kala irdhaynayo, isaga oo ku darsaday inuu maalinba tiir dawladnimadu ku taagan tahay duminayo.

Waxa cad in uu maalinba maalinta ka dambeysa sharciyaddii dalka iyo nidaamkeennii dawladnimo sida uu doono uu ka yeelayo, nabadda iyo dawladnimadii dadka ka dhexaysayna u sadqaynayo damaciisa iyo doonistiisa, taasna waxa daliilkeeda innagaga filan fawdada uu geliyey Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland iyo ciidanka xabbadda nool u adeegsaday xildhibaannadii xasaanadda Dastuuriga ah huwanaa, isaga oo aan nabarradii hore dhayin ayuu Madaxweyne Muuse horteenna ku tumanayaa sharciga dalka, wax uuna rabaa in uu gacantiisa ku baabii’yo hay’ado Dastuuriya ah oo muddo-xileedkoodii dhammaan, isna mudho-kordhin aan sinaba ugu suurtogalayn cidla ka baadhbaadho, laakiin waxa uu mooggan yahay in isagana sharciyaddiisa Madaxweynannimo mugdi geli doonto haddii aannu ixtiraamin Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.

“Nin daacad hoggeeda qoday, miyuu ka dambaynayaa?” Abwaan Hadraawi.

Doorashadii Madaxtooyada xilligeedii ku qabo November 13, 2022 qiiq isku qarin iyo urruro xilligoodii ka hor la furayo lagaa yeeli maayo, axsaabta mucaaradaka ahna waa u diyaar in urrurada siyaasadda xilligooda la furo, shacbigana jaho wareerinta Muusow ka daa. Anigu diyaar baan u ahay inaan furo urrurada siyaasadda haddii aan ku guulaysto xilka Madaxweynanimada ee Jamhuuriyadda Somaliland, bal shacbiga Somaliland ha iswaydiiyaan in urrurada siyaasadda la furo waxay ku sinnayd saxeexa Muuse ee haddii ay ka run tahay furista urruradu muxuu u saxeexo waayey markii uu horyaallay Xeerku ee intuu soo diiday ugu soo celiyey Golaha Wakiillada?
Muuse waxa aan u sheegayaa in aanay shalay maanta ahayn. Xisbiyada mucaaradka ah ee aqlabiyadda jamaahiirta Somaliland wata ma kaa yeelayaan, mana u qudhqudhsamayso in aad hortooda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dimoqraadiyaddeeda ku burburiso,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Berberanews.com
Info@berberanews.com