Booliska Kenya oo sheegay inay fashiliyeen weerar Alshabaab la beegsadeen masaajid

Wajeer -(Berberanews)-Ciidanka Booliska ee dalka Kenya, ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar koox looga shakisan yahay Alshabaab la damacsanaayeen inay ka fuliyaan masaajid ku yaal degaanka Khorof Xaraar oo dhaca duleedka magaalada Wajeer.
Lix qof oo hubeysan ayaa galay masaajid ku yaal tuulada Konton, kuwaas oo doonayey inay afduubtaan dad masaajidka ku tukanayey, sida laga soo xigtay booliska.
Taliyaha Booliska Wajeer ayaa xaqiijiyey dhacdadan, isagoo sheegay in kooxdu weerar ku soo qaadeen masaajidka, balse laamaha amnigu ka hortageen weerarkaas, sida uu ku warramay wargeyska The Daily Nation.
Waxa kaloo uu beeniyey warar sheegaya in dablayda Alshabaab qafaasheen qaar ka mid ah dadka degaankaas oo masaajidka ku jiray.

Berberanews.com
Info@berberanews.com