Wararkii u dambeeyey khilaafka kala jabiyey Wakiillada iyo dedaallo labada dhinac laga dhex wado

Hargeysa-(Berberanews)-Fadhigii Golaha Wakiillada ayaa shalay waxa hadheeyey buuq iyo sawaxan, kaddib markii Xildhibaannada taabacsan Xukuumadda KULMIYE ay diideen inay soo gallaan xarunta Golaha Wakiillada,kuwaas oo ka biyo diidsanaa xeerka ururrada iyo axsaabta ee uu Madaxweyne Biixi golaha ku soo celiyey ,waxaanay ku doodayeen inay furan yihiin ururrada,isla markaana aan xeerkaas laga doodin,halka Xildhibaanada kale ay iyana ku doodayeen in xeerkaas uu Madaxweynuhu soo celiyey in sharciga la mariyo,isla markaana loo raaco sababihii sharci ee uu ku sababeeyey Madaxweyne Biixi diid-madiisa.


Xildhibaannada laga shookaamiyo Madaxtooyadda ayaa diiday inay soo gallaan Golaha,isla markaana ay dhegeystaan shir guddoonka Golaha Wakiillada iyo xeerkaas waxa uu ka qabo sharcigu,haseeyeeshaa waxay ku adkaysteen mawqifkoodii ahaa in aanay hoolka xarunta Golaha cagta soo dhigin,taas oo keentay inuu buuq ka dhasha barxada Golaha,isla markaana Xildhibaannada qaar ay is isku gacan qadeen,kuwaas oo feedhka,iskala daallay,isla markaana kale taabacsana Xukuumadda KULMIYE iyo is-bahaysiga Mucaaradka,kuwaas oo kale ahaa Xildhibaan Maxamed Khadar iyo Xildhibaan Khadar Guun.
Jawiga xarunta Golaha Wakiillada ayaa mar qudha is beddelay,waxaana cirka isku shareertay xiisadda,taas oo keentay inay ciidanka Boolisku soo gadhaan xarunta Golaha,kuwaas oo iyana xaalka Golaha ka dhigay mid ka sii darray,iyagoo kula kacay Xildhibaannada qaarkood jidh dilay iyo xadhiga,halka ciidanka qaar ay noqdeen kuwo xaalad abuur ah xabado riday,balse nasiib darro aanay jirin cid wax ku noqotay tacashiiradaas.
Garyaqaan Guuleed Daafac oo ka hadlay xeerkan murranka dhaliyey ayaa sheegay sidan:-“Dastuurka waxaa ku qoran in muddada 21-ka cisho ay ku dhaafto madaxweynuhu ku saxiixi waayo ama ku soo celin waa in uu faafinta rasmiga ah uu ku soo saaro guddoomiyaha golaha wakiilladu, xildhibaannadu golaha ee doonaya in la dhaqan geliyoadku waxay qabaan in goluhu ku soo saaro faafinta rasmiga oo sidaa sharci ku noqdo, doodda cusub ee xukuumaddu soo wareejisaynu waa in uu sidiisa ku dhaqan gelayo. Waana doodo inta ay sharci yihiin ka farabadan inta ay yihiin muran siyaasiya” ayuu yidhi Guuleed Dafac oo sharciyaqaan Hargeysa ku sugan.
Dhanka kalena fadhigan Golaha Wakiillada ayaa waxa la lagu laalay mooshin ay keenaan Xildhibaannada Muxaafidku,kaddib markii sharci-yaqaanada Goluhu sheegaan inuu khilaafsan yahay sharciga, kaas oo ahaa mid ay ku dalbanayeen in aan laga duudin,isla markaana aan kaabis iyo wax ka beddel lagu samayn xeerka ururrada Siyaasadda iyo axsaabta ee uu Madaxweyne Biixi soo diiday inuu saxeexo,kaas oo uu Madaxweynuhu dalbanayo in sharciga la waafajiyo.
Geesta kalene Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in xildhibaannada muxaafadka taabacsani, ay wado sharciga baal marsan wax ku doonayaan, xaga kuwa mucaaradkuna ay leeyihiin sharciga hala raaco.”Sida saxaafada laga sheegayo ma jirto cid isku haysa ururo yaan la furin iyo8 hala furo, waxa laysku hayaa habraacyadii sharci aan u marno waxkasta oo golaha yaala iyo umari mayno ayaa laysku hayaa, qof walbana wuxuu sanka kaga tolnaan doonaa in uu sharciga raaco” ayuu yidhi Khaliif.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadalka wasiir Koore aanu waxba ka badali karin xeerka horyaala golaha, islamarkaana aanu wax saamayn ah lahayn.”Xeerkasta oo uu madaxweynuhu soo celiyo waa in golaha la horkeena, oo goluhu ama cod ku diidaa ama ku aqbalaa, markaas ayuu xukun ka dhalanayaa, laakin ama wasiir ha noqdo ama guddoomiye baarlamaan ha noqdee wax saamayn sharci ah oo uu yeelanayaa ma jiro” ayuu yidhi Khaliif.

Dhinaca kalena, guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiillada Siciid Mirre Faarax Giire, ayaa kasoo horjeestay guddoomiyaha isaga oo dibada kaga sugnaa aqalka wakiillada si lamid ah xubnaha kale ee ka biyo diiday habka loo wajahayo xeerka furista ururada siyaasada,kaas oo si hoose u wedday abaabulka iyo kacdoonka Madaxtooyadda soo abaabushay.
Sidoo kale xoggo aanu helnay ayaa sheegay in xalay Xildhibaannada labada dhinac laga dhex waddo waan-waan,taas oo ah mid la iskugu soo jiidayo oo ay waddaan xubno ka tirsan Golaha iyo siyaasiyiin iyo Xildhibaanno ka tirsan guurtida oo is xilqaamay,waxaana xusid muddan Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Guurtidu uu gacanta isku saaray Xildhibaannadii gacanta Isku qaaday ee Maxamed Khadar Iyo Xildhibaan Khadar Guun,kuwaas oo is laab xaadhay.
Waxa kale oo ay xoggaha aanu helnay ay sheegeen in xeerkaas la rabbaaliyey,isla markana mar dambe laga doodayo,kaas lagu samayn doonno wax ka beddel iyo kaabis,kaddib-na cod loo qaadi doonno,haseyeeshaa hadda gebi ahaan-ba waxa la dhigay barkin-ka,sida ay illo xog ogaal ahi sheegeen inta xaaladdu degayso.

Si kastaba ah-ahaatee Madaxtooyadda ayaa ku fashilantay qorshaheedii ay u soo laqintay Xildhibaannada taabacsan,kaddib markii xeerka uu soo celiyey Madaxweyuhu ay u arkeen mid ay il duufeen,kuwaas ku doodayey arrin aan sharciga waafaqsanayn,isla markaana iska idho tirayey xeerka Madaxweyne Biixi soo diiday inuu dhaqan-geliyo ee ururrada,waxaana la laalay mooshinkii mac-malka ahaa ee looga soo dhiibay kijada Madaxtooyadda,taas oo noqonaysa dhirbaaxadii labaad ee ku dhac-da Xildhibaannada taabacsan Xukuumadda wakhtigeedii sii dhammanayo ee KULMIYE,waxaanu Xisbiga KULMIYE gar-waaqsaday in Golaha uu yahay mid ay mucaaradku awood ku leeyihiin,isla markaana khaliif-na uu yahay nin aan la yaraysan karrin marnaba.

Berberanews.com
Info@berberanews.com