Xildh. Cali Qaran: Muu noqon nin Golaha isku wadi karaya.

Hargeysa-(Berberanews)-Xildhibaan Cali Qaran oo ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Golahaas nin dantiisa doonaya inuu meelmariyo oo isku wadi karo waayay Xildhibaannada.

Xildhibaan Qaran waxa uu sheegay in rabshadii ka dhacday Golaha ay gacanta ku horeeyeen siduu sheegay kooxda taageersnayd Guddoomiye Khaliif.

“Tiimka dagaallamay waxa ay ahaayeen tiimka Cabdirisaaq Khaliif oo gacanta ku horreeyey ee la dagaallamay xildhibaannada, waxaannu noqday Cabdirisaaq Khaliif nin doonaya in doonistiisa Golaha dhex mariyo, taasina suurtogal maaha, kamana yeelayno doonistiisa shaqsiga ah. Waxa aannu nahay 46 xildhibaan waxa noo muuqatay in Guddoomiyuhu  doonayey in uu ku dirqiyo la taliyaashii sharciga sida uu isagu doonayey. Muu noqon nin Golaha isku wadi karaya.”
Xildhibaan Cali Qaran oo ka tirsan Golaha Wakiillada.

Berberanews.com
Info@berberanews.com