Xaglatoosiye oo soo dhaweeyay Furitaanka ururada iyo asxaabta qaranka

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiir hore Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, ayaa soo dhaweeyay go’aanka furitaanka ururada iyo asxaabta qaranka Somaliland.

Siyaasigu wuxuu sheegay inuu ku rajo weynyahay inay soo baxaan asxaab siyaasadeed oo ku sallaysan mabaadii aan qof lahayn.

“Waa sharci in Ururada la furaa,waxa aan u sheegayaa Axsaabta Mucaaradka in ay ku qancaan rabitaanka shacabka,waxaana aan rajaynayaa in ay soo baxaan Axsaab aan ku salaysnan qabyaalad ee ku salaysan Mabaadii oo aanu qof lahan,”.Siyaasiga Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye