Qulqulatooyinka isdaba jooga ah ee Sudan oo sii kordhaya

Sudan-(Berberanews)-Booliiska Suudaan ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad baxayaasha, kuwaas oo isugu soo baxay meel u dhow xarunta madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Mudaharaadka ayaa salka ku haya si ay u muujiyaan cadhadooda ay kaga soo horjeedaan heshiis militari ee uu dib u soo celiyay Ra’iisul Wasaare Abdalla Hamdok.

Kumanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Khartoum iyo magaalooyinka kale ee dalka Suudaan maanta oo Isniin ah, kuwaas oo qayb ka ahaa bannaanbaxyo aan kala joogsi lahayn oo looga soo horjeedo afgambigii militariga ee bishii Oktoobar iyo heshiiskii xigay ee u oggolaaday milatariga in ay ka sii mid ahaadaan golaha ku meel gaadhka ah ee la dhisay 2019 ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii muddada dheer talada hayay Cumar. al-Bashiir.

General Abdel Fattah al-Burhaan ayaa kala diray 25-kii October Golaha Sare ee Militariga iyo Rayidka ee loo dhisay inay dalka ku hagaan dimoqraadiyad, wuxuuna ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo dalka oo dhan ah.

Mudaaharaadyo ballaadhan iyo cambaareyn caalami ah oo looga soo horjeedo tallaabadiisa ayaa ku qasabtay al-Burhan, oo sidoo kale ah madaxa golaha maamulka, inuu dib u soo celiyo Hamdok bishii hore.
Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in uu doorasho qaban doono July 2023, uuna xilka ku wareejin doono dowlad rayid ah oo la soo doortay.

Berberanews.com
Info@berberanews.com