Buuq iyo gacan-ka-hadal hadheeyey fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland ee saaka

Hargeysa -(Berberanews)-Fadhigii saaka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa hadheeyey xaalad cakirnaan oo u dhexaysay xildhibaannada muxaafidka ah iyo kuwa mucaaridka ah.
Xildhibaannada muxaafidka ah ayaa diiday inay gudaha u soo galaan hoolka golaha wakiillada.
Fadhiga saaka waxa loo balansanaa in wax la iska waydiiyo mooshin ay shalay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo in dood la galiyo xeerka furista ururrada oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dib ugu celiyey golaha.
Saacado kadib ayuu furmay goluhu, waxana Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilladu u akhriyey mooshinkii ay xildhibaannadu soo gudbiyeen, iyaga oo sharciyaaqada goluhu sharci-darro ku tilmaamay mooshinkaas.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay in golahu xidhan yahay illaa inta ay soo xaadirayaan xildhibaannada dibadda ka joogay fadhiga.
“Sharci maaha in xildhibaanno shir jaraa’id qabtaan ee waxay saamayn sharci yeelanaysa wixii Goluhu isku raaco ama isku diido. Xildhibaannada jooga waan u mahadnaqayaa, waxaan nudaneyaasha maqanna ku boorrinayaa in ay sharciga u soo noqdaan cid kasta oo dabada ka riixaysana aanay golaha ku waxyeelayn. Sabtida waxa la sugaya miisaaniyaddii haddii Golaha loo qaabeeyo in maanta qolo ka baxdo berrina qolo ka baxdo oo aanu Goluhu wada shaqayn waxay noqonaysaa duullaan lagu soo qaaday hay’adihii qaranka, ciddii ka dambeysana waxaanu leenahay karis xun iyaduna wax ku la arrintaasina cid gaar ah saamayn mayso wixii Golaha dhexdiisa ka jirana Golaha ayaa ka wada hadlaya.” Sidaa waxa yidhi
Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlayey xaaladda kala qaybsanaanta ah ee ka dhex jirta golihiisa.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah  xildhibaannada muxaafidka iyo kuwa mucaaradka ayaa isku farasaaray dibadda hoolka fadhiga, taas oo keentay inay xarunta Baarlamaanka tagaan ciidammo tiro badan oo uu horkacayo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.

Berberanews.com
Info@berberanews.com