Al-shabaab oo degaanno istaraatiiji ah kala wareegay ciidammada dawladda Soomaaliya

Baladweyne -(Berberanews)-Kooxda Alshabaab ayaa si rasmi ah ula wareegay degmada Matabaan iyo degaannada hoos yimaad ee Gobolka Hiiraan ee badhtamaha dalka Soomaaliya saqdii dhexe ee xalay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dagaallamayaasha Alshabaab si buuxda gacanta ugu dhigeen maamulka degmada  Matabaan subaxnimadii hore ee saaka, kadib markii ay iskaga baxeen ciidammada dawladda Soomaaliya oo halkaas fadhiisimo muhiim ah ku lahaa.

Al-shabaab ayaa si nabadgelyo ah kula wareegay gacan-ku-heynta magaalada istaraatiijiga ah ee Matabaan, kadib markii ciidammada dawladda Soomaaliya oo halkaas fadhiisin ku lahaa isaga baxeen.
Xoogagga Al-shabaab ayaa sidoo kale la wareegay degaannada Beergidiid, Jiracle iyo Bacda oo dhammaantood hoostaga Matabaan.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada Matabaan iyo saraakiisha ciidammada dawladda Soomaaliya oo la xidhiidha sababta ay halkaas ugu banneeyeen Al-shabaab.

Berberanews.com
Info@berberanews.com