Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo qaaddacay furitaanka ururada

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo WADDANI, ayaa qaaddacay go’aankii maanta kasoo baxay xukuumadda ee furitaanka Ururada iyo asxaabta qaranka.

Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Waddani Xirsi xaaji Cali Xasan oo shir jaraaid oo wada jira goor dhawayd qabtay ayaa sheegay inay sharci jebin tahay goaanka Madaxweynuhu ku furay ururada.