London-(Berberanews)-Dalalka G7 ayaa digniin culus u diray Ruushka oo ay ku eedaynayaan weerar uu la maaganyahay dalka Ukraine.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, Liz Truss ayaa ka sheegtay shir ay isugu yimaadeen dublamaasiyiin sarsare oo ka tirsan kooxda G7 ee hormuudka ka ah waddamada warshadaha leh Ruushku wajahayo “cawaaqib weyn” haddii uu gudaha u galo Ukraine,
Waxaa jiray “cod aad u badan oo midaysan oo ka yimid wadamada G7 kuwaas oo matalaya boqolkiiba 50 GDP adduunka, iyagoo si cad u muujinaya in ay jiri doonto cawaaqib weyn oo ka iman doona Ruushka kiiska duulaanka Ukraine”, Truss ayaa sheegay Axadii shirkii magaalada waqooyiga Ingiriiska, Liverpool.
Ukrain ayaa xudun u ah xiisada ka taagan xidhiidhka bariga iyo galbeedka iyada oo ku eedeysay Ruushka in uu soo uruuriyay tobanaan kun oo askari si ay ugu diyaar garoobaan weerar millatari oo ballaadhan.
Sirdoonka Mareykanka ayaa qiimeeyay in Ruushka laga yaabo inuu qorsheynayo weerar dhowr jiho ah oo lagu qaado Ukraine horaanta sanadka soo socda, kaasoo ay ka qeyb qaadanayaan ilaa 175,000 oo askari.
Kremlin-ka ayaa beenisay inay qorsheynayso inay duulaan ku soo qaado waxayna sheegtay in reer Galbeedka ay qabsatay Russophobia.
Moscow ayaa sheegtay in is ballaadhinta NATO ay halis ku tahay Ruushka oo ay ka hor imanayso ballanqaadyadii la siiyay markii Midowgii Soofiyeeti uu burburay 1991-kii.
Berberanews.com
Info@berberanewa.com