Itoobiya: Xoogagga TPLF oo dib u qabsaday magaalada taariikhiga ah ee Lalibela

ADDIS ABABA—(Berberanews)-Xooggaga Tigreega ee TPLF, ayaa dib u qabsaday magaalada Lalibela ee dalka Itoobiya maanta oo Axad ah, wax ka yar laba toddobaad markii ay ciidammada dawladda iyo xulafadoodu kala wareegeen magaaladaas taariikhiga ah, sida dad goobjoogayaal ah u xaqiijiyeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Lalibela oo ah magaalo ay Qarammada Midoobay u aqoonsan tahay xarunta dhaqanka ayaa ku taal Gobolka Axmaarada.
Mid ka mid ah goobjoogayaasha oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Gobolka Axmaarada iyo malleeshiyaadka isbaheysiga la ah oo labaduba gacan-saar la leh dawladda Itoobiya ay habeenkii Sabtida ka baxeen magaalada Lalibela.
“Qaybtii u dambaysay ayaa saaka ka baxay. Waxaan maqalnay rasaas meel fog laga maqlayay xalay, balse ciidammada Tigreega ayaa dib u qabsaday Lalibela, iyaga oo aan xabbad ka ridin magaalada,” ayuu yidhi goobjoogaha oo ka mid ah shaqalaaha soo dhaweynta hoteel ku yaal magaaladaas oo khadka telefoonka ugu warramay Reuters.
Xooggaga taabacsan TPLF ayaa Lalibela la wareegay horraantii bishii August, laakiin 1-dii December, ciidammada Itoobiya iyo xulafadooda gobolka Axmaarada ayaa dib u qabsaday magaaladaas.

Berberanews.com
Info@berberanews.com