Cali-gurey: “Way caddahay inaan doorashada madaxtooyadu qabsoomi karin 13 Nov. 2022”

SOMALILAND IYO FURISTA URURADA SIYAASADDA
Dastuurka Somaliland wuxu xaq u siinayaa muwaadiniinta Somaliland inay isu abaabuli karaan ururo siyaasadeed, bulsho, iyo xirfadeed. Laakiin marka ay tahay ururo siyaasadeed oo doonaya in ay u gudbaan xisbiyo qaran dabcan Xeer Baarlaman ayaa qeexaya. Xeer Lam 14 markiisii hore wuxu ahaa in 5tii sanadoodba mar ay xisbiyo/ururo siyaasadeed ku tartamayaan Doorashada Dawladaha Hoose oo xeerku dhigayay in 5tii sanadooba ay mar qabsoomaan. Wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay xeer lam. 14 2011kii ayaa wax badan kala kiciyay markii muddada shahaadadda xisbinimada oo dhaqangal ahayd 5 sanadood uu ka dhigay 10 sanadood taasina waxay kala kicisay furtaankii ururada iyo Doorashooyinkii Dawladaha Hoose oo wuxu keenay waxka bedelka Xeerka markii labaad lagu sameeyay In dadwwynuhu ay u kala codeeyaan ururo iyo xisbiyo Sidaa daraadeed waxaynu odhan karnaa xeerku furista ururadu waa qabyo waana qasab in la helo xeer dhamaystiran oo marka sharciyadda sadexdan xusbi ay burto ay ku soo bixi karaan xisbiyo cusub.
Dhibaatada kale ee wax ka bedelkii hore ee Xeer 14 waxay noqotay xisbiyadan hadda jira waxay sharciyadoodu dhaqangal ay tahay bisha December 2022. Doorashada Madaxtooyada ayaa iyaduna ku beegan November 2022. Hadaba iyada way cadahay oo ma suurogeli karto in 13ka November ay qabsoonto doorashada Madaxtooyadu, hadana ay ururo iyo xisbiyadani ay tartami karaan December waayo muddo xileedka madaxwaynaha la doorto ayaaba ka bilaabmaysa 13ka December.

Hadaba Xeer Lam 14 ma khuseeyo Doorashada Madaxtooyada markaa sedee ayuu xeekani isu waafajin karaa labdan doorasho in ay wada qabsoomi karaan. Marka run laga hadlayo xeerkani oo ah Xeer Baarlamin wuxu isu waafajin karaa in Tartanka Ururada iyo xisbiyada uu ama dib u dhigo ama hore u soo dhigo wakhti ku filan in labada doorashoba ay ku qabsoomi karaan. Waayo doorashada Madaxtooyadu waa dastuuri Wakiiladuna xaq uma laha in wakhtigeeda ay wax ka bedeli karaan iyada ayaana ka soo horaysa ta kale. Xataa Golaha Guurtida oo sharcigu awood u siiyay muddo kordhinta doorashada Madaxtooyada ayaan is waafajinta labada doorasho ka mid ahayn shuurudaha ku xusan 83 Dastuurka Somaliland.

Sidaa daraadeed doorashada Madaxtooyadu in ay wakhtigeeda ku qabsoono ayaa sharci ahaan mudnaanta koobaad leh. Wixii kaleba waa in dalku galo khilaaf siyaasadeed oo Doorsh- doon iyo Doorasho-diid foodda la isku daro. Taas oo aan Somaliland daan u ahayn. xumaan mooy  wanaag ugu jiraana aanu jirin.

Xildhibaanada ku doodaya in xeerkan 14 aan waxba laga bedelin ee u arka sax in uu ku yahay sida hadda uu yahay maan fahmin waxa ay u jeedaan hadii aanay dan gaar ah laga lahayn ee danta guud ay ka hadlayaan. Waayo waxay leeyihiin doorashada Madaxtooyaduna 13 November ha qabsoonto ururada siyaasadda iyo sadexdan xisbina ha tartamaan December si ay sedex xisbi uga soo baxaan. Sida ay taasi ku suurogeli kartana wax faahfaahin ah Kama bixinayaan. Markaa waxay u jeedaan anigu maan garanin hadiise aan maleeyo caqligooda waa in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo oo muddo kordhintii ay Somaliland ay hore u soo eeday ee qayrkeed iyo qayr ku xigaheedba ka reebtay iyo khilaaf siyaasadeed oo hor leh dalku ha galo. Waa hadii laga yeelo tooda eh.

Golahan cusub arinkani waa ku xujo waanay kala cadaan doonaan dan qaran iyo dano gaar ah ka ay intooda badan u hiiliyaan. Markaa bal ha la sugo in aynu gole qaran dooranay iyo aynu xaabo urursanay eh m. Weliba daaya golahan waynu ku kala baran xildhibaanadiisa inta runtii ah xildhibaano qaran iyo inta aan ahayn kuwa tirada badan ahe

CALIGUREY
HARGEYSA, SOMALILAND