20 sano oo xadhig ah ka dib markii maxkamad la soo taagay

Benin-(Berberanews)-Maxkamad ku taal Benin ayaa Sabtidii xukuntay mid ka mid ah dadka sida weyn uga soo horjeeda Madaxweyne Patrice Talon oo lagu eedeeyay  falal argagixisanimo.

Reckya Madougou ayaa lagu xukumay 20 sano oo xadhig ah ka dib markii maxkamad la soo taagay.

Xukunka ayaa lagu dhawaaqay abbaare 6-dii subaxnimo (0500 GMT) ka dib markii ay socotay maxkamad aan wax markhaati ah ku jirin, qareenadeeda ayaa bayaan ku sheegay.

“Dambigeedu wuxuu ahaa inay u taagan tahay beddelka dimuqraadiga ah ee nidaamkii Patrice Talon,” ayuu yidhi qareen Antoine Vey.

Xukunka lagu riday Madougou, oo ahaa wasiirkii hore ee cadaalada, ayaa imaanaya maalmo kadib markii mid kale oo kamid ah mucaaradka Talon, Joel Aivo, lagu xukumay 10 sano oo xadhig ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu maleegayay falal ka dhan ah dowladda iyo inuu lacago dhaqay.

Madougou ayaa la xidhay bishii March waxaana lagu eedeeyay inay maalgelisay howlgal lagu dilay dad siyaasiyiin ah si looga hortago in doorashada madaxtinimada ee bisha soo socota ay dhacdo.

Musharaxnimadeeda waxa hore u diiday guddiga doorashada. Talon ayaa mar labaad ku guuleystay 86% codadkii la dhiibtay codbixintii ay qaadaceen inta badan mucaaradka, waxaana hadheeyay dibadbaxyo rabshado wata.

Wax yar ka hor inta aan la xukumin, Madougou ayaa ka hadashay maxkamadda, sida ay ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay boggeeda Facebook.

“Waxaan nafteyda u huray dimoqraadiyad, haddii huritaankaygu ogolaato, Mudane Madaxweyne (maxkamad) iyo asxaabtaada inaad ka soo ceshato madax-bannaanidaada fulinta, markaa dhib aan waxba tarayn uma dhibtoon doono,” ayay tidhi.