Trump: Nitanyahu wuu i khayaanay oo dhabarka ayuu iga toogtay

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil Benjamin Netanyahu oo uu ku eedeeyay “Daacad-darro”.

Trump ayaa sheegay in uu ka cadhooday qaabkii uu Netanyahu ugu hambalyeeyay madaxweyne Joe Biden kadib guushii uu ka gaadhay doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka ee looga adkaaday Trump sanadkii la soo dhaafay ee 2020-kii.Madaxweynihii hore wuxuu rumaysnaa inuu Israa’iil ka badbaadiyay “burbur.”

Hadalka Trump ayaa yimid xili uu bixinayay waraysiyo ku saabsan buug uu kaga hadlay doorkiisii nabadaynta bariga dhexe. Maamulkii Trump ayaa xiligiisii qaatay siyaasado taageersan Israa’iil oo aan horay loo arag taariikhada mudadii uu jiray xidhiidhka labada dal.

Netanyahu wuxuu ahaa ra’iisul wasaaraha Israel,markii Trump uu isana ahaa madaxweynaha dalka Mareykanka,waxaana labada nin ka dhaxeeyay xiriir shaqsiyadeed oo xoogan iyaga oo waliba isku ammaani jiray fagaarayaasha marka ay khudbadaha jeedinayaan.

Dilaa

Intii lagu guda jiray waraysi uu la yeeshay Turmp weriye u dhashay Israa’iil oo lagu magacaabo Barak Ravid, oo barnamaij ka diyaarinaya buugga cinwaanka looga dhigay “Nabadda Trump: iyo Dib-u-qaabaynta Bariga Dhexe”, Trump waxa uu sheegay in Netanyahu uu si degdeg ah ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray Joe Biden doorashadii Maraykanka.Trump ayaa xiligaas sheegtay in doorashada uu ku guulaystay oo looga shubtay

“Qofkii ugu horreeyay ee u hambalyeeya Joe Biden wuxuu ahaa Benjamin Netanyahu ninka aan u sameeyay wax ka badan qof kasta oo aan waligey la macaamilo” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Mareykanka ‘Benjamin Netanyahu’ wuu iska aamusi karay. Wuxuu sameeyay qalad weyn,” ayuu hadalkiisa ku daray Trump. Wuxuu intaas raaciyay “Aad buu u dheereeyay, tan iyo markaasna lama hadlin isaga.”

Ra’iisul wasaarihii hore ee Israel Netanyahu ma ahayn hoggaamiyihii ugu horreeyay ee u hambalyeeya Biden markii uu Turmp ka guulaystay, hase yeeshee waxaa xusid mudan in sidoo kale uu mahadnaq u jeediyay Trump daqiiqado ka dib markii uu u hambalyeeyay Biden.

Go’aamo aan hore loo arag

“Qofna ma samayn sidii aan u sameeyay Netanyahu waan jeclahay Netanyahu ayuu yiri Trump, isagoo raaciyay, “Weli waan jeclahay laakiin sidoo kale waxaan jeclahay daacadnimada”. Netanyahu ayaa xilka ka tagay bishii Juun ee sanadkan ka dib markii uu ku guuldareystay inuu soo dhiso dowlad ka dib doorashooyinkii Israel ka dhacay. Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa ku faanay inuu Israel badbaadiyay

“Haddii aanan madaxweynaha Maraykanka, ahana lahayn waxaan u malaynayaa in Israa’iil la burburin lahaa. Hagaag, waxaad doonaysaa inaad runta ogaato? Waxaan filayaa in Israa’iil laga yaabo inay hadda u dhamaato ,” ayuu yiri Trump.

Markii uu madaxweynaha ka ahaa Mareykanka, Trump waxa uu qaaday tallaabooyin uu ku taageeray Netanyahu, oo ay ka mid tahay in Qudus loo aqoonsaday caasimadda Israa’iil, taasoo caro xooggan ka dhalisay dunida Carabta.

Bariga magaalada Barakeysan ee Quddus -oo ay Falastiiniyiintu rabaan inay noqoto caasimadda dawladdoodawaxa Israa’iil haysatay tan iyo sannadkii 1967-kii. Trump waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in deegaamaynta Israa’iil ee dhulka la haysto aan loo aqoonsanayn “sharci darro”, waxaanu aqoonsaday madaxbannaanida Israa’iil ee Buuraha Golan ee Suuriya, oo ay sidoo kale Israa’iil haysato tan iyo 1967-kii.

Netanyahu ayaa daaha ka qaaday qorshe halkaas looga dhisayo degaan, loo yaqaan “Trump Heights”, taasoo lagu sharfayo madaxweynihii hore ee Mareykanka.

@Bbc Somali