TPLF oo iska fogeeyey eedaymo Qarammada Midoobay u jeedisay

Maqalle – Fallaagada Tigreega ee TPLF ayaa Jimcihii beenisay in magaalada Kombolcha ee woqooyiga Itoobiya ay ka bililiqeysteen kayd cunto ah oo loogu talogalay carruur nafaqo-xumo hayso.
Diidmadan ayaa imanaysa maalin kadib markii afhayeenka Qarammada Midoobay Mr Stephane Dujarric uu sheegay in Hay’adda Cunada Adduunka ee WFP ay joojisay qaybinta raashinka kadib “bililiqo maalmihii la soo dhaafay loo geystay bakhaarro ku yaal Kombolcha, sida muuqatana ay geysteen qaar ka mid ah fallaagada Tigrayga iyo xubno ka tirsan dadka degaanka.”
Wuxuu sheegay in la xaday cunto aad u badan, oo ay ku jiraan waxyaabaha nafaqeynta ee carruurta ay hayso nafaqo-xumada.
TPLF, ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in arrimahani yihiin eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn.
TPLF ayaa dhanka kale hay’adaha Qarammada Midoobay, gaar ahaan WFP ku eedaysay inay ka gaabiyeen ama ka caga jiidayaan qaybinta gargaarka bani’aadantinimo.