Ethiopia oo xidhay 22 ka mid ah koox Tobabar kusoo qaatay Puntland

Ethiopia-(Berberanews)-22 xubnood oo ka tirsan Islaamiyiinta Kawarja ayaa lagu soo waramayaa in lagu xiray aagga Bale ee ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya.

Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay warbaahinta Itoobiya ee EBC oo soo xiganaysa taliska booliska ee aaggaasi, ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee wadajirka ah.

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Booliska Oromiya iyo Ciidamo Maleeshiyo ah oo ka soo jeeda deegaanka ayaa ka qeyb qaatay howlgalka.

21 ka mid ah waa Itoobiyaan, midna waxaa la sheegay inuu ajnabi yahay. Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay warbaahinta dowladda, waxa ay ku howlanaayeen sidii ay u bixin lahaayeen tababaro lagu qarinayo caqiidada wacdiga, kuwaas oo loogu talagalay howlgallada argagixisanimo ee aan la cayimin.

Nooca tabobarka la bixiyaa waa ciidan. Booliska ayaa la sheegay in ay badhtilmaansadeen dhalinyarada iyo shaqsiyaadka u muuqda in ay kalsooni ku dhex leeyihiin bulshada dhexdeeda.

Ilahan ayaa sidoo kale soo xiganaya shabkada baahinta Oromiya oo sheegtay in kooxdan ay xubno ku leeyihiin Puntland oo tababar ciidan kusoo qaatay.

Argagaxisada Kawarja ayaa la sheegay in ay shaqeynayeen ugu yaraan tan iyo 2011. Sanadkaas, waxaa lala xidhiidhiyay burburinta 50 kaniisadood oo ku yaal magaalada Asendabo, Koonfur Galbeed Itoobiya.

Berberanews.com
Info@berberanews.com