Turkiga iyo siyaasaddiisa farogelinta colaadaha kale, waa mid halis ku ah xasiloonida geeska

W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr), Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Somaliland

Dawladda Turkigu waxay sannadihii ugu dambeeyey la soo baxday siyaasad ku salaysan in Ankara farogelin toos ah ku samayso colaadaha sokeeye ee ka holcaya waddamada qaarkood, isagoo si toos ah dhinacyada ishaya ula safanaya kii ay danaha Turkigu ku jiraan.

Isballaadhinta iyo farogelinta hubaysan ee dawladda Turkigu waxay si gaar ah ugu wajahan tahay guud ahaanba dalalka Islaamka, gaar ahaanna Bariga Dhexe iyo qaaradda Afrika.

Ujeeddada xukuumadda Madaxweyne Erdogan ka leedahay farogelinta colaadaha sokeeye ee dalalka kale waxa ugu weyn laba arrimood:

1. Sidii uu Turkigu dib ugu soo celin lahaa awooddii iyo saamayntii uu beri dunida ku lahaan jiray, taasoo uu lumiyey 100 sanno ka hor.

2. In Turkigu waddamadaas ku yeesho saamayn dhaqaale, mid ciidan, mid nabadgelyo, mid isteratijiyadeed iyo mid horumarba.

Dhawrkii sanno ee ugu dambeeyey dawladda Turkigu waxay si toos ah qayb uga noqotay dagaallada ka holcaya ugu yaraan siddeed (8) dal. Turkigu wuxuu si toos uga qaybqaatay colaadaha sokeeye iyo dagaallada ka dhacaya daddamada kala ah Somalia, Iraq, Syria, Libya, Lebanon, Yemen, Azerbaijan-Armenia iyo Ethiopia.

Dhammaan waddamadaay xukuumadda Erdogan farogelisay, Turkigu wuxuu taageeray ama uu la saftay mid ka mid ah dhinacyada ishaya. Nasiib-darro, hubkii, farasamadii ciidan iyo maalgelintii dawladda Turkiga waxa lagu xasuuqay boqollaal kun oo dad ah oo shicib ah oo aan ku jirin dagaallada.

Sida aynu la soconno, Gobolka Geeska Afrika waa mid ay ku badan yihiin xasaradaha iyo colaadaha sokeeye, gaar ahaan 44-kii sanno ee ugu dambeeyey. Iyadoo oo ay taasi jirto, haddana waxa iyaduna walaaceeda leh siyaasadda ay  la soo baxday dawladda Turkigu muddooyinkan dambe ee ah in ay si toos ah u farogeliso colaadaha sokeeye ee dalalka kale, iyadoo dawladda Turkiga aanay cidna u wakiilan ama aanay cuskanayn qawaaniinta caalamiga ah ee waajibka ka dhigaya in loo gurmado colaadaha ka dhacaya meelo ka mid ah dunida.

SOMALILAND IYO HALISTA KU SOO FOOL LEH:

Dhacdooyinkii ugu dambeeyey iyo arrimihii muragada lahaa ee ka soo baxay dagaallada sokeeye ee ka socda Itoobiya waa kuwo weji kale u yeelay Xasilloonidii iyo wada noolaanshihii shucuubta ku nool Gobolka Geeska Afrika. Xasuuqa nafeed, burburka dhaqaale iyo kaabbayaashii dhaqaalaha ee ay geysteen hubka iyo diyaaradaha Drone-ka ah ee lagu xasuuqay qoomiyadda Tigreega ee uu Turkigu sida indho la’aanta ah ugu hiiliyey xukuumadda Abiy Axmed, waa dhacdo si cad u muujinaysa khataraha haatan taagan iyo kuwa ka culus ee ku soo wajahan Mandaqadda Geeska Afrika.

Haddaba, shaki kuma jiro in Turkiga iyo siyaasaddiisa farogelinta colaadaha sokeeye ee dalalka kale, ay si gaar ah halis ugu tahay nabadgelyada iyo Xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Marka aynu is dultaagno khataraha iyo halista dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland uga iman karta dhismaha iyo qaabaynta ciidammada Soomaaliya, gaar ahaan diyaaradaha Drone-ka ah ee uu Turkigu dhawaan siiyey maamulka Farmaajo, way caddahay cidda diyaaradahan la doonayo in loo adeegsado ama loogu caga jugleeyo. Ma jirto wax u diidaya in xukuumadda Erdogan ay  si toos ah ula safato Soomaaliya oo ay taageerto weerar ka dhan ah Somaliland.

Ugu dambayn, fadhi uma yaal shacabka iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama aynu arkayno dhacdooyinka khatarta innagu ah ee ka dhacaya mandaqadda. Waa in aynu dhab ah ugu diyaargarawno in wax kasta oo suurtogal ah aynu ku difaacno qarannimadeenna iyo jiritaankeenna ummadnimo.

Gaar ahaan, dawladda Somaliland waxa loo baahan yahay in ay go’aan cad oo siyaasi ah ka qaadato khataraha innagaga iman kara hab-dhaqanka dawladda Turkiga iyo farogelinta hubaysan ee ay ka wado Soomaaliya iyo Itoobiya.

Tallaabada ugu horraysa ee aan kula talinayo Xukuumadda Somaliland waxa weeyi in dalka laga saaro Qunsuliyadda uu Turkigu ku leeyahay Somaliland, taasoo jawaab u ah diyaaradaha Drone-ka ah ee uu Turkigu dhawaan siiyey Xukuumadda Farmaajo, kuwaasoo halis ku noqon kara xasilloonida soddon jirsatay ee Jamhuuriyadda Somaliland.

SOMALILAND HA NOOLAATO.

Xuseen Adan Cige (Deyr).