Midowga Yurub oo Somaliland toos u siin doona mucaawimooyinka

Nairobi-(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr.Ciise Kayd ayaa sheegay inuu ku guulaystay in Midowga Yurub toos u siiyaan Somaliland wixii mucaawimo ah.

Wasiir Ciise Kayd oo caawa hadalkan ka sheegay Nairobi, ayaa wuxuu Nairobi kula kulmay safiirrada Midowga Yurub ee dalkaa ku sugan, kuwaasoo uu sheegay in kulammaddii uu la yeeshay ku soo dhammaadeen guul.

“Waxa aannu kula  kulannay Kenya diblomaasiyiinta Midowga Yurub oo aannu ka dhaadhicinay in wixii mucaawimo ah toos naloola soo xidhiidho, oo  meel kale aan waxba naloo soo marin oo aannu nahay dad yaqaan wixii caawimo ah sida ugu wanaagsan ee loo isticmaalayo, waana aannu ku soo guulaysannay, taas oo si wanaagsan ayay noogu suurtogashay.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr.Ciise Kayd.

Berberanews.com
Info@berberanews.com