Maxaa kasoo baxay kulanka Haldoorka Galbeedka Burco iyo Madaxweyne Biixi?

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixib Cabdi, ayaa qaabilay siyaasiyiin iyo waxgarad miisaan leh ka soo jeeda Galbeedka Burco.

Xubnahan oo u badan siyaasiyiin, ganacsato iyo odayaal culus ayaa  dhammaantood ka biyo diiday go’aankii Cirro ku wareejiyey guddoomiyenimada WADDANI.

Waxaana hormood u ah Khadar Ambassador oo ka mid ahaa tiirarka ugu waaweyn ee xisbiga WADDANI ku taagnaa, ayaa hormood u ahaa weftiga miisaanka leh ee Madaxweynuhu la kulmay.

Ma jiro war rasmiya oo kulanka labada dhinac kasoo baxay balse xog rasmiya oo Berberanews ka heshay xubno kulanka goobjoog ka ahaa ayaa xaqiijiyay inay ka dalbadeen Madaxweynuhu inuu ururrada furo
Ururadii siyaasadeed, islamarkaana ay rabaan inay furtaan urur siyaasadeed.

Dhacdadani waxay muujinaysaa qarax aad u weyn oo ay waxgaradka Habaryoonis ku kala qaybsameen taageeradii xoogga badnayd ee ay ku wadeen murashax Cirro iyo Xisbiga Waddani.


Berberanews.com
Info@berberanews.com