“Dalka Doorasho Dastuuri ah ayaa ku soo Wajahan, Muuse-na Nin Ka Baqaya Maaha” Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI

“Ayaamahan waxa aad looga hadlayey xeer No.14 oo baarlamaankii hore ansaxiyey madaxwayne Muse-na dib u soo celiyey, isagoo soo celintiisana sababeeyay. Waxaa jira xildhibaanno madaxwaynaha ku dhaw oo ku doodaaya in soo celinta madaxwaynuhu sharci darro tahay xeerkana la faafiyo.
Xildhibaannadaasi waxay afka ka dhawrayaan inay yidhaahdaan madaxwaynuhu wuxuu sameeyey sharci jabin oo xeer dhaafay xilligii sharcigu siiyay ayuu soo celiyay. Annagu xisbi ahaan waxaannu u aragnaa inaannu madaxwaynuhu sharci jabin, xilligii sharcigu siiyayna qoraalka soo celinta ku qoray qodobo dastuuri ahna uu cuskaday. Laakiin qolada xildhibaannada Kulmiye ee ku doodaya madaxwaynuhu sharci jabin ayuu sameeyey waa inay sheegaan waxa ka dhalanaaya sharci jabinta madaxwaynaha intaanay xeerka ka hadal.
Dalka doorasho dastuuri ah ayaa ku soo wajahan Madaxwayne Muuse-na nin inuu doorasho galo ka baqaaya maaha. Inamada waxaanu u sheegaynaa inay doorashadaas u diyaargaroobaan oo madaxwaynaha cod u doonaan, ururradana marka xilligooda la gaadho waa la furayaa oo waa sharci.

W/Q Khadar Xuseen Cabdi Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI