Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka digay ciidammo Eritrea u dirtay
Farmaajo

Mogadisho-(Berberanews)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa  ka digay ciidammo uu sheegay inay kusoo tobabarteen dalka Eritrea oo kusoo fool leh Somalia.

Siyaasi Shakuur wuxuu sheegay in ciidammadaas uu Farmaajo u adeegsanayo sidii uu xoog ugu qabsan lahaa Somalia.

Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa bartiisa soo dhigay qoraal oo kaga hadlayo ciidamadaad. Waxaannuu qoraalkaasi u dhignaa sidan:
“Shalay markii Eritrea loo qaadayey waa la siray, waxaana loo sheegay in Qatar la geynayo oo ay noqonayaan askar ilaalisa ciyaaraha adduunka. Qaarkood iyagoo ajnabi u diriraya ayey dhinteen, halka kuwa kale ay ciqaab, cudur iyo gaajo dishay

Dhowr kun oo kale ayaa dhowaan la soo wadaa, si dagaal ahli loo geliyo oo dalka xoog loogu qabsado. Qorshuhu waa in Baydhabo, Muqdisho iyo Gaalkacyo laga dejiyo, si Bu’aale, Muqdisho iyo Garawe loogu qabsado. Soomaaliyey Farmaajo nin xukun nabad iyo doorasho ku dhiibaya maaha, ee waa in aan iska qabannaa inta uusan fidno weyn iyo dagaal sokeeye lugaha inoo gelin.

Waaliddiinta horay loo siray waa in aysan oggolaan in ubadkooda la halligo oo dabka lagu guro, inaguna waan la duubanahay sidii aan horay ula jirnay.”