“Waxaad arki doontaa Berbera oo aad ka garan waydo magaalooyinka caalamka” Duqa Berbera

Hargeysa-(Berberanews)-Maayarka Berbera Candishakuur Maxamud Xasan(Ciddin), ayaa sheegay inay dhamaystireen mashaariicda sannadkan 2021, una diyaar garoobayaan 2022.

Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan, ayaa ballan qaaday inuu Berbera ka dhigi doono mid la jaanqaadaysa magaalooyinka caalamka sannadkan 2022.

Maayarka magaalada Berbera waxaa uu hadalkan ka sheegay Barnaamij su’aalo lagu weydiiyay oo caawa ka socda Telefiishanka Qaranka Somaliland.

“Mashaariicdii aannu ballanqaadnay sannadkan 2021 way noo dhammaadeen. Sannadka 2022 waxaan fulinaynaa 90 mashruuc, waxaanad arki doontaa Berbera oo aad ka garan waydo  magaalooyinka caalamka ee horumaray sannadka 2022ka.”Duqa Berbera Cabdi Shakuur Ciddin.

Berberanews.com
Info@berberanews.com