Jiim Sh Muumim: “Gabadh baan jeclaaday balse walaalkeed baa qori madaxa iga saaray”

Jiim Sh Muumin wuxuu ahaa caalin muusig oo farshaxan ku ah tumista kabanka iyo giitaarka; codsameeye ku xeel dheer qoraalka muusigga iyo halabuurka laxannada; hoobal ku luuqeeya heesaha; macallin faneed oo hooballo iyo muusigyahanno ka aflaxeen; iyo nin nabadeed waddani ah. Marxuum Jiim, oo 24 Noofembar Muqdisho ku dhintay, in ka badan nusqarni ayuu fanka Soomaalida ku jiray, wuxuuna reebay waxqabad faneed oo magguuraan ah.

Abwaan Aadan Tarabbi, oo ay Jiim wadashaqayn iyo waayo nololeedba wadaageen, ayaa ku sifeeyay Jiim in uu ahaa “fan dhan.”

Sidaas oo kale, Abwaan Cabdiqays baa Jiim ku qeexay in uu ahaa “nin weyn; fanka ku weyn, oo kabanka ku weyn.”

Muxiyaddiin Sheekh Muumin Sheekh Cabdillaahi (Jiim) wuxuu 1940 ku dhashay Buulo Berde, Hiiraan. Isla magaaladaas ayuu ku barbaaray, Quraanka ku bartay, dugsigana ka galay.

Sida abtirsigiisaba laga fahmi karo, Jiim wuxuu ka soo jeeday qoys culimo diineed ah; sida uu Abwaan Aadan Tarabbi weriyayna, Jiim aabbihii, Sh Muumin, qaaddi buu ahaa.

Raadqaadkii fanka Jiim

Xiisaynta iyo hibadiisa faneedba waxay iftiimeen Jiim intii uu iskuulka dhiganayay, sababta fannaannimadiisana wuxuu Jiim ku sheegay jacaylka uu fanka u qabo oo qalbigiisa ku abuurnaa, kaas oo naftiisa ‘jiitay’.

Fanka waxa ku dhiirrigeliyay, bilowgiina gacanqabtay, adeerkii Cabdicasiis Sh. Maxamed, waxana barashada muusigga ka taageeray macallimiin Talyaani ah, sida uu Abwaan Aadan Tarabbi xusay.

Ha se ahaatee fanjacaylkiisa ruuxiga ah iyo dedaalkiisa nafhurka ah baa shidaalinayay wacdaraha muusigga iyo halabuurka laxan ee Jiim ku sifoobay.

Jiim oo xeebta liido taagan

Sida uu Jiim ku sheegay waraysiyo ay la yeelsheen telefishannada Universal iyo Horn Cable, laxankii u horreeyay 1964 buu Buulo Burde ku curiyay, isaga oo codeeyay heesta waddaniga ah ee Dhallinyariooy taas oo erayadeedana uu lahaa Macallin Axmed-Nuur.

Taabbagalkii fanka Jiim

Jiim wuxuu u hayaamay Woqooyi. Dabadeed 1972 ayay Abwaan Aadan Tarabbi iyo Jiim Sh Muumin ku kulmeen Burco, Tog Dheer.

Labada riwaayadood ee kala ah Dhakharrada Jacayl iyo Xaajaba Layaab Leh, labadabana uu Aadan Tarabbi halabuuray, ayaa noqday riwaayadihii u horreeyay ee Jiim heesahooda laxameeyo. Isla beryahaas buu Jiim u wareegay Muqdisho, wuxuuna ku biiray fannaaniintii Ciidanka Asluubta ee Onkod.

Intaa ka dibna Jiim wuxuu fanka, siiba muusigga iyo heesaha, ku darsaday waxsoosaar sheeggan. Marka tumista kabanka iyo giitaarka laga tagana, laxanno meelmar ah buu ku ladhay heeso kala geddisan, kuwaas oo riwaayado ku jiray, mararna qubane ahaa.

Wuxuu heeso u laxameeyay, kabankiisa ashqaraarka lehna u garaacay, badiba heesaaga milgaha leh ee Soomaalida, sida: Maxamed A. Kuluc, Xaliimo Kh. Cumar “Magool”, Maxamed S. Tubeec, Muuse Ismaaciil “Qalinle”, Kinsi X Aadan, Xasan A. Samatar, Khadra Daahir, Axmed Gacayte, Nimco Yaasiin, Maxamed Mooge, Cabdillaahi Cumar “Xarrago”, Sahra Mire, Marwo Maxamed, iyo hooballo kale.

Heesaha Jiim laxameeyay

Heesaha uu Jiim laxameeyay waxa laga xusi karaa: ‘Yufle’— Kinsi; ‘Caashaqa ma baran weli’— Kinsi iyo Xarrago; ‘Wejiyaal is xusuusta’— Kinsi iyo Xarrago; ‘Mataankaygii’— Kuluc/Xarrago iyo Kinsi; ‘Laykaa Bidhbidhiyaa’— Qalinle iyo Sahra Mire; ‘Gacan gacan’— Kuluc/Xarrago iyo Kinsi; ‘Maxamed Maxamed’— Magool iyo Maxamed Mooge; ‘Anbiyo’— Jiim; ‘Dawo’ — Xasan Aadan iyo Sahra-Dawo…

Laxankii ugu hawl badnaa iyo kii ugu fududaa Jiim

Abwaan Aadan Tarabbi ayaa Jiim ku tilmaamay nin loo sakhiray laxannada iyo muusigga. Haddaba taa waxa aad xaqiiqsanaysaa marka aad ogaato in Jiim laxankii ugu adkaa uu gebigiisaba ku sameeyay hal habeen. Intii uu ku jiray halabuurka laxannada iyo muusigga, Jiim, sida uu ku xusay waraysi uu telefishanka Horn Cable siiyay, laxankii ugu hawl badnaa wuxuu ku tilmaamay laxanka heesta ‘Allahayow cid maan dilin’ ee ay ku luuqaysay Sahra Mire, kaas oo allifiddiisu habeen keli ah ku qaadatay. Taa beddelkeedana, laxankii ugu fududaa Jiim wuxuu u doortay laxanka heesta ‘Halkuu nabarka caashaqu’ ee ay darandoorriga u qaadeen Kinsi iyo Xarrago.

Fannaankii uu ugu jeclaa Jiim

Jiim fannaaniinta uu ugu jeclaa in uu hees u laxameeyo, muusigna u tumo, wuxuu kaalinta koowaad ka dhigay Muuse Ismaaciil “Qalinle”. Taana wuxuu ku sababeeyay Qalinle in uu xafidaad wacnaa oo judhaba laxanka qaban jiray.

Jiim iyo shakhsiyaddiisii fannaannimo

Jiim xirfad ahaan uun fannaan u ma ahayn se abuur iyo shakhsiyad fannaannimo oo dhalan ah buu lahaa. Wuxuu ilaa heer dhandhansi iyo fiiro u lahaa halabuurka qiimiga fannimo leh. Taana waxa caddayn u ah dareenka xammaasiga ah ee foolkiisa iyo falaadkiisaba laga dheehan karo marka uu fadhiyo kulanka uu fannaan Maxamed Shamuuri ka heesayo; kolka uu Shamuuri kabanka ka dananiyo ee muusig isku dubbaridan dhegaystaha ku simo, Jiim inta uu is hayn kari waayo ayuu sarajoogsanayaa oo bogaadinayaa Shamuuri. Taasina waxay muujinaysaa in Jiim lahaa dabeecad “saarley” ah oo dhadhansiga fanka macnaha leh u diran.

Fanjacaylkiisu kuma ekayn fanka aadmiga oo keli ah ee, dhanka kale, wuxuu ahaa nin quruxda Rabbaaniga ah ee koonka dhugmo u leh. Tusaale ahaan, Jiim mar la weydiiyay jawigiisa ugu habboon ee uu laxan ku allifi karo, wuxuu carrabbaabay in uu jecel yahay quruxda dabiiciga ah sida badaha, webiyada, buuraha biyashubka leh, ubaxyada iyo degaannada barwaaqaysan ee ildoogsiga leh; taas oo u maragfuraysa Jiim in uuna fanka bani’aadanka uun ku koobnayn ee uu ahaa nin farshaxanka Eebbe iyo abuurtiisa ashqaraarka lehna ku sureera oo la falgala.

Saamayntii Jiim ku lahaa muusigga Soomaalida

Jiim wuxuu ahaa fannaan raadayn ku leh muusigga Soomaalida, wuxuuna macallin u ahaa, si dadban iyo toos ahba, fannaaniin magac ku leh muusigga Soomaalida.

“Wuxuu ahaa macallinka inta kabanka tunta—khaas ahaan koonfurta Soomaaliya joogta,” ayuu yidhi Abwaan Xirsi-Dhuux oo ka hadlayay tacsidii Jiim.

Haddaba fannaaniinta uu Jiim tababaray ama saameynta ku yeeshay waxa ka mid ah: Daa’uud Masxaf, Axmed-Jaangoo, Kooshin-Yare, Cabdicasiis-Jarmal, Muxiyaddiin Geelle, Maxamed Shamuuri, Aweys Goobbe, Cabdullaahi-Yarow, iyo fannaaniin kale.

Daljacaylkii Jiim

Fanka ka sokow, Jiim shakhsiyaddiisa waxa lagu sifeeyaa in uu ahaa nin deggen, oo shiddo yar; nin waddaniyaddu laabtiisa ku weyn tahay oo dal jecel. Haddaba bal aynnu taa u xujaysanno laba sheeko oo Jiim ku dhacay.

Kow, markii ciidanka Xabashidu Muqdisho qabsadeen 2007, sida uu Jiim waraysi ku xusay, wuxuu u qaxay Afgooye, ilaa ay Itoobiyaankii Xamar ka baxeenna Jiim Muqdisho kuma soo laaban.

Laba, Jiim, sida uu waraysi ku xusay, gabadh ay is jeclaayeen baa walaalkeed bunduq ku qabtay Jiim, wuxuuna ku andacooday inanta in aan jacayl haynnin ee uu Jiim sixray!

Qorigaa lagu qabtay Jiim wuu ka nabadgalay, ha se ahaatee, kolkii muhkiladdaasi timi, inantii qurbaha ayay u dhooftay, waxayna Jiim ka codsatay in uu ka soo dabo dhoofo, si ay wadajir ugu dhaqnaadaan, Jiim baa se ka diiday oo yidhi ‘waddanka kama tagayo!’ Qisadaas Jiim wuxuu ku magacaabay ‘jacaylkii bunduqa.’

Waxyaabihii ugu layaabka badnaa ee Jiim la kulmay

Jiim waxyaabihii ugu layaabka badnaa waxa ka mid ah, sida uu xusay, in uu u soo taagnaa fannaan masrax ka heesaya oo banbo gacanta loo saaray—fannaankii ubaxa la guddoonsiin jiray, ee dahabka iyo walxaha qiimiga leh lagu caleemasaari jiray kolka uu dadkiisa u heesayo, oo banbo loo dhiibayo! Hoobalka banbada gacanta loo geliyayna wuxuu ahaa Aweys Khamiis.

Dadkii yaqaannay waxa ay ka yidhaahdeen

Cabdikariin Faarax “Jiir” oo ka mid ah dadka tixgelinta ku dhex leh fanka, siiba laxansamaynta lagu majeerto, oo maalintii uu Jiim xijaabtay BBC-da la hadlay, waxa uu ku tilmaamay shakhsi aan dabadii cid u dhiganta la heli doonin.

“Waxa lagu xusuusan doonaa waxa uu ka tagay ee aan dabadii la samayn doonin. Shaksi kabankiisa lagu ooyo waqtiyada danbe ayuu noqon doonaa,” ayuu yidhi Jiir.

Abwaan Aadan Tarabbi ayaa isaguna ku sifeeyay ‘nin mucjiso ah, oo loo dhib yareeyay muusigga iyo laxannada, isla markaana aan qof isaga la nooc ahiba dunida soo marin.’

Gebagebo

Xaalad kasta iyo duruuf walba oo soo foodsaartay, Jiim dalka kama bixin, kabankii kama talaxgabin ee wuu tumayay, ardaydana barayay, ilaa uu Muqdisho ku geeriyooday 24 Noofembar 2021. Ilaahay ha u naxariisto Jiim Sh Muumin Sh Cabdillaahi.

W/Q : Siciid M ‘Beegsi