Cali-guray iyo Xiisadda ka taagan maamul-goboleedka Puntland

KHILAAFKA PUNTLAND
Madaxwayne Siciid Dani wuxu ahaa ninkii siidhiga ku afuufay (whistle blower) Farmaajo ee markii ugu horaysay fashiliyay hungurigiisa isaga oo bulshada soomaaliyeed ku baraarujiyay in ay ka feejignaadaan kelitale ay mar labaad gacanta u galaan. Dadka qoonsaday hadalka Madaxwaynaha Puntland keliya waxay ahaayeen kuwo iyagu wax ka eegayay dhinaca qabyaaladda oo u arkayay in uu yahay nin doonaya in uu burburiyo Dawladda Farmaajo oo laga yaabo in ay iyagu u arkayeen dawlad reerka ay ka soo wada jeedaan Dani iyo Farmaajo labaduba ee Daarood, in kasta oo Siciid Dani uu ku celceliyay in Farmaajo aanu wadin dan Daarood iyo dan Mareexaan midna ee keliya colaad hor leh dhexdhigayo bulshada nabadda ah. Qorshaha Farmaajo cid goor hore si run ah uga soo horjeedsaday waxa jira labada Madaxwayne ee Puntland iyo Jubbaland Dani iyo Axmed Madoobe.

Sidaa daraadeed Madaxwayne Farmaajo wuxu si gaar ah farogelin toos ah oo weliba joogto ah ku hayay labada maamul-gooboleed ee Puntland iyo Jubbaland oo iyaga labadooda madaxwayne ku noqdeen xaqiijinta qorshihiisa in mar kale dib loogu soo doorto kursiga muddo xileedkii loo igmaday uu dhamaaday bishii February sanadkan haatan dhamaadka ah.

Khioaafka hadda ka taagan Puntland maaha khilaaf ciidan gaar ah oo ka mid ah ciidamada hoos taga maamulka Madaxwayne Dani. Hadii uu sidaa ahaan lahaa muran muu Jireen marka sharci iyo kala dambayni ay jirto. Arintii joogtay taliye ciidan gaar ah oo Puntland ah waxa gaadhsiiyay sida la leeyahay farogelinta isamada Daarood Ismaciil oo dhan maxaa loo qaadan kara?  Ma waxa loo qaadan karaa in xaqiiqadu tahay laba wiil oo ilma adeer ah oo midna uu Madaxwaynuhu xilka qaaday mid kale oo Ina adeerkii ahna u dhiibay, mise baroortu orgiga ka wayn oo ninka kawaanka saaran ayaaba ah Madaxwayne Dani laftiisa? Waxay u badan tahay tan dambe dagaalkuna markaa waa Farmaajo oo doonaya in uu iska hor qaado Madaxwaynaha Puntland mid isaga u daacad ah oo u hogaansan amarkisa uu ugu bedelo si xildhibaanada cusub ee Puntland aan mid keli ahi isaga uga leexan. Ama ha suurtawdo ama yaanay u suurtoobin eh Farmaajo dan intaa ka yar kama laha khilaafka Puntland.