Abbiy Axmed oo ka hadlay xidhiidh uu la sameeyay dalalka deriskiisa ah

Abiy Axmed:-(Berberanews)-Raysal-wasaaraha Ethiooia, Dr Abiy Ahmed, ayaa faahfaahin ka bixiyay xidhiidh khadka telefoonka uu kula yeeshay dalalka deriska ah iyo waxyaabaha uu kala hadlay.
“Itoobiya waxay sii waddaa inay mudnaanta siiso xoojinta xidhiidhka waddamada jaarka ah.  Waxaan maanta wadahadallo ballaadhan oo dhanka telefoonka ah la yeeshay madaxda Djibouti, Kenya, Uganda, Somalia, Eritrea iyo South S udan.  Waxaan sii wadi doonnaa wada shaqaynta labada dhinac iyo arrimaha gobolka.”
Sidaa waxa hadda bartiisa Facebook ku qoray Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya oo dib ugu laabtay Addis Ababa maanta.