“Xaaladda dalku ku jiraa mid loo adkaysan karo maaha”Xildh Guruuje

Xildhibaan Guruuje oo baaq u diray Xukuumadda Somaliland

Hargeysa – Xildhibaan Axmed Nuur (Guruuje) oo ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku eedeeyey xukuumadda in ay iska dhaga tirayso sicir bararka dhibaatada ku haya shacabka.
“Innaga waxaad mooddaa in dhaha laga furaystay, xaaladdan sicir barar ee innagu sii laban laabmaysa, ee innagu sii afar laabmaysa. Waxaan leeyahay xukuumadda meel aad inadhaha ka qarsataan ma joogto,” ayuu yidhi xildhibaanka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa maanta.
Xildhibaan Guruuje waxa uu xukuumadda ugu baaqay in ay fadhiga ka kacdo oo ay siyaasad cusub oo ganacsiga lagu hagayo la timaad, si maciishadda loo jabiyo.

“Fadhiga ka kaca oo siyaasaddiinna ku saabsan ganacsigana wax ka beddela, oo shirkadaha ballaadhiya oo shidaalka, oodda ka qaada oo yaan la odhan shirkad kaliya ayaa saamaynaysa in shidaalku innagu kaco,” ayuu yidhi.

Golaha Wakiillada ee Somaliland iyo bulshada rayid ka ah ayaa tan iyo shalay qayladhaan ku saabsan sicir bararka baraha bulshada marinayey kadib markii la arkay ganacsatada roodhida oo isku dhaarsanaya in ay kordhiyaan qiimaha furinka.