Wasaaradda Hawlaha Guud oo amarro culus duldhigtay shirkadaha dhismaha

Hargeysa(Berberanews)-Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo dhulka Somaliland, ayaa go’aanno kasoo saartay dhismayaasha  hantida ma guurtada ah ee dowladda.

Sida lagu faafiyay qoraal ammar kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Cabdillaahi Abokor Cismaan waxaa gebi ahaanba la mamnucay dhisme aanay nashqadiisa ansixin Wasaaraddu oo aan ogolaansho rasmiya ka haysan iyaga.

Wasiirku wuxu digniin adag u diray shirkadaha dhismaha ee aan u hoggaandamin go’aankan in lagala noqon doono ruqsadda.

Halkan ka akhriso.