Museveni: Somalia iyo Kenya ayaa laga soo abaabulay qaraxyada

Uganda-Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in weeraradii dhawaan ka dhacay magaalad Kampala ee caasimadda dalka Uganda ay hayaan xogo muujinayo in ay soo abaabuleen ama ay ka dambeeyeen kooxo ku sugan gudaha dalalka Soomaaliya iyo kenya .

Hadalkan ayaa madaxweynuhu waxaa uu ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wakaalladda wararaka ee Reuters.

“Qaraxyadii ay dhawaan ka dhacay Kampala, waxaan haynaa caddeymo qaar oo muujinaya inay soo abaabuleen kooxo ku sugan Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Museveni

@Bbc Somali