Maxkamadda Hargeysa oo berri furaysa dacwadda Daallo Airline iyo Xisbiga Waddani

Hargeysa-(Berberanews)-Waxaa berri oo taariikhdu tahay 8/12/2021, saacaddu markay tahay 8:30 subaxnimo  maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex la qabanayaa fadhigii 1aad ee dacwadda u dhaxaysa shirkada diyaaradaha ee Daallo Airline iyo Xisbiga Waddani gaar ahaan Xoghayaha Ganacsiga, Dalxiiska iyo Warshadaha. Shirkadda ayaa dacwad ka soo gudbisay shir jaraaid oo Xoghaye Ganacsiga Waddani, Hamse Khayrre, uu kaga hadlay habka hay’adda duulimaadyada Somaliland u maamushay jadwalka in aan waafaqsanayn dastuurka dalka oo waajibayay in suuqa ganacsigu yahay xor. Xoghayaha ayaa ku eedeeyay xukuumaddu in  ay faragelinta ay ku samaysay tartanka diyaaraduhu uu keeni doono in tigidhka diyaaraduhu qaaliyoobo doono kadib markii ay FlyDubai go’aanka Xukuumadii awgeed u joojisay duulimaadyadii Somaliland.

Xog-hayaha ayaa dacwaddaas jawaab qoraal ka bixiyay markay taariikhdu ahayd 22/11/2021 kaas oo uu u gudbiyay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex.

Berberanews.com
Info@berberanews.com