Maxaa kala socotaa go’itaanka dhulka Somalida ee Afrika iyo samaysanka qaaradda Somalida?

Sida lagu ogaaday cilmi baadhis iyo daraasado ay sameeyeen Culimada Cilmiga Dhulka (Geologists), waxay saadaaliyeen Sugaalka soo socda in uu dhulka Soomaalidu ka go’i doono qaaradda Afrika inteeda kale, bad ayaa na kala qaybin doonta qaarada Africa iyo dhulka Soomaalida.

Qaarada Soomaalida (Somalian Plate) cabirka bedka dhulkeedu waa 16,700,000km².
Meesha ay ka kala go’ayaan na waa dilaacan loo yaqaano “East African Rift Valley” ee baddacas ee jabuuti ka soo bilaabma, Godka lagu magacaabo “Danakil Depression/Afar Triple conjunction”, kaas oo 125m ka hooseeya Jooga Badda {125m below sea level}, waana meesha taabudka {Active} ah ee booraamaha fulkaanaha irmaani ku yaalaan, waana xudunta dhulgariirka laga dareemo borama, jabuuti iyo hargaysa. Laga soo bilaabo April ilaa November 1980, 1981, 2000, 2011 ayaa laga dareemay. 2005 Dabbaaxu Fulkaano (Dabbahu Volcano) ayaa ka qarxay oo sababay dilaacii ugu weynaa ee la diwaan geliyo abid sooyaalkii aadanaha. Oogada dilaacaas cabirkiisu wuxuu gaadhay 500m, kaas oo ka dhashay soo fuurida Dhaabshiil (Magma Dyke) oo kor u soo fuuray. Hadda ba dilaaca godkaas kasoo bilaabmaa wuxuu ku dhammaadaa bad weynta Hindiya ee Tanzania.

Qaarada Africa (Nubian plate) iyo Qaarada Soomaalida (Somali plate) xawaaraha ay ku kala socdaan waa mastaafo ah 6-7 mm= 6.5 mm= 0.65 cm = 0.0065m sanadkii ba kala dhaqaaqaan.
Haddii aanay xaalado keddiso ah dhicin sida dhulgariir (Earthquake) ama qabcado kaddaali (Tectonic Activity) ama mawjadaha maayadeed (Convection current) oo ay habsamidaa ay hadda ku kala go’ayaan kusii socdaan, mustaqbalka waxay ku qaadan doontaa inay kala go,aan Somali plate iyo Nubian plate muddo yar, waayo 0.0065m markay sanad kasta sii kala durkayaan, 1000 ka sano ee soo socda waxay kala durkayaan 0.0065m×1000= 6.5m.

Qaarada Africa waxay kala noqon doontaa sugaalka soo socda laba qaaradood insha ALLAH, kuwaas oo kala ah, Qabcad Nuubiyaan (Nubian plate) iyo Qabcad Soomaali (Somali plate). Kadib waxa kala qaybin doona bad yaro cusub oo dhexdooda ka samaysmi doonta, si la mid ah bad yarada kala qaybisa qaarada Afrikaanka {African plate} iyo qaarada Carbeed {Arabian plate } ee loo yaqaan baddacas (redsea). Baddaa cas oo ka samaysantay dilaacii ka dhashay kala dhaqaaqii iyo kala go’iddii Qaarada Africa iyo Qaarada Carbeed, dilaaca ay ka dhalatay baddacas oo soo bilaabmay dabayaaqadii waagii pleistocene oo maanta laga joogo muddo 2.5 milyan sannadood.

Hadda ba Qaarada Soomaalidu {Somali plate} waxa ay u dhaqaaqi doontaa dhanka badweynta Hindiya, iyadoo daba baqoolaysa qaaradihii ka horeeyey ee Indian plate iyo Australian plate.

Muxuu saamayn ku yeelan doonaa kala go’a qaarada Africa?
Wuxuu saamayn doona wax badan, Haddaan soo koobno qodobada ugu waaweyn.

  1. Qaab dhismeedka dhulka africa waa is bedeli doonaa, waddamo badan na way baabi’i, qaar na way kala qaarmi doonaan.
  2. Waxa masaxmi doona oo bad isku bedeli doona dhammaan harooyinkan Africa ugu waaweyn dhammaan way babi’i doonaan. Waayo asalkoodii hore waxay ka samaysmeen dilaaca rift valley ee u dhaxeeya African plate iyo Somali plate. harooyinkan waxay isku bedelayaan bad.
  3. Webiyada Afrikada badankoodu way is bedeli doonaan, Nile ka cad iyo Nile ka buluuga ah way baabi’i doonaan, waayo labada haro ee ay ka bilaabmaan labada webi waxa mara dilaaca rift valley oo bad ayey isku bedeli doonaan mustaqbalka insha ALLAH. Waxay ka dhasheen webiyada iyo Harooyinku Biyaha dhulka hoose (Undergroundwater) oo dilaacaa rift valley kasoo baxay.
  4. Dilaacaa fulkaanaha (volcano) ka soo bixi doona, waxa ka dhalan doonaa dhulgariir wax badan galaafan doona. Wuxuu burburin doona magaalooyinka jabuuti, Borama, Hargaysa, Addis ababa, Jigjiga, Diridhaba… iyo qaar kale oo badan. dhulgariirkaas oo isagoo yar imika laga dareemo marmar magaalooyinkaas. Kaas oo ay sababaan Harooyinka fulkaanaha irmaan ee Arte Ale ama Danakil Depression Volcano loo yaqaano.

Waddamada dilaacu saamayn doono waxa ka mid ah, Waddanka Ethiopia oo dilaacu ka saamayn doono,

  1. Harada la yidhaahdo Lake Abaya (area 1,162 square kilometres) elevation 1,285 metres maximum depth 13.1 metres.
  2. Harada la yidhaahdo Lake Chamo (area 551 square kilometres, elevation 1,235 metres, maximum depth 14 m).
  3. Harad la yidhaa Lake Zway or Dambal (area 485 square kilometres, elevation 1,636 m, maximum depth 8.9 m,)
  4. Harada la yidhaahdo Lake Shala (area 329 square kilometres, elevation 1,558 m, maximum depth 266m.
  5. Harada la yidhaahdo Koka Reservoir (area 250 square kilometres, elevation 1,590 m.
  6. Harada la yidhaahdo Lake Langano (area 230 square kilometres, elevation 1,585m, maximum depth 46 metres).
  7. Harada la yidhaahdo Lake Abijatta (area 205 square kilometres, elevation 1,573 metres, maximum depth 14 m).
  8. Harada la yidhaahdo Lake Awasa (area 129 square kilometres, elevation 1,708 metres, maximum depth 10 m).
  9. Harada la yidhaahdo Lake Tana, waa isha uu ka dhashay webiga niilku, waxay ku taalaa bariga Ethiopia, dilaacu ma maro laakiin duleedkeeda dhanka bari ayuu ka maraa, kadib wuxuu saamayn doonaa janjeedhka biyoshubka ee harada iyo webiga Niilka. Waayo waxa is bedelaya cabirka jooga dhulka ee badda laga soo cabiro (Sea level), harada Lake Tana badda Mediterranean kuma biyo shubi doonto ee waxay ku biyo shubi doontaa Badda cusub ee Somalian Gulf ama Gulf of Rift Valley ka samaysmi doonta. Sidaas na waxa laga yaabaa inay ku weydo masar Webiga niilka.

Sidokale Waddanka Kenya dilaacu waxa uu ka saamayn doonaa;

  1. Harada la yidhaahdo; Lake Baringo: second largest of the Kenyan Rift Valley lakes.130 square kilometres (50 sq mi), elevation 970 metres (3,180 ft), freshwater
  2. Harada la yidhaahdo; Lake Bogoria: shallow soda lake, a national preserve.
    34 square kilometres (13 sq mi), elevation 990 metres (3,250 ft)
  3. Harada la yidhaahdo; Lake Elmenteita: shallow soda lake. 18 square kilometres.
  4. Harada la yidhaahdo; Lake Logipi: Length: 6 km
    Max. depth: 3–5 m (9.8–16.4 ft) a shallow hot-spring fed soda lake in the Suguta Valley just south of Lake Turkana. Formerly Lake Suguta
    Lake Magadi: shallow soda lake near the southern border with Tanzania.
  5. Harada la yidhaahdo; Lake Naivasha:
    160 square kilometres (62 sq mi) although it varies somewhat with rainfall, elevation 1,890 metres (6,200 ft), freshwater.
  6. Harada la yidhaahdo; Lake Nakuru: shallow soda lake, has been a national park since 1968.
    40 square kilometres (15 sq mi), elevation 1,759 metres (5,771 ft).
  7. Harada ugu weyn harooyinka kiiniya oo dhan ee layidhaa Lake Turkana: (the largest of the Kenyan lakes, on the border of Kenya and Ethiopia.
    6,405 square kilometres (2,473 sq mi), elevation 360 metres (1,180 ft), freshwater)

Sidokale Waddanka Tanzania dilaacu wuxuu ka saamayn doonaa.

  1. Harada la yidhaahdo Lake Eyasi: shallow soda lake
  2. Harada la yidhaahdo Lake Makati: shallow soda lake
  3. Harada la yidhaahdo Lake Manyara: shallow soda lake
  4. Harada la yidhaahdo Lake Natron: shallow soda lake that has been categorised by the World Wildlife Fund as being in the East African halophytics.
  5. Harada la yidhaahdo Lake Victoria
    Area: 68,800 km²
    Length: 337 km
    Volume 2,750 km³
    (elevation 1,134 m)

Harada la yidhaahdo Lake Kivu 2,220 km²
Water volume: 500 km³
Max. depth: 480 m
elevation 1,460 m

Harada la yidhaahdo Lake Rukwa
Area: 5,760 km²
Surface elevation: 800 m
Catchment area: 88,000 km²

Harada la yidhaahdo Lake Tanganyika
Area: 32,900 km²
Length: 673 km
Width: 72 km
elevation 773 m
Waa harada ugu gunta dheer ugu na weyn harooyinka rift valley. Sidokale waa harada labaad ugu weyn adduunka harooyinka biyaha macaan.
Waxay quudisaa webiga river Congo.

Sidokale waddanka Malawi dilaacu wuxuu ka saamayn doonaa;

  1. Harada la yidhaahdo Lake Rukwa
    Area: 5,760 km²
    Surface elevation: 800 m
    Catchment area: 88,000 km
  2. Harada la yidhaahdo Lake Malawi
    Area: 29,600 km²
    Length: 580 km
    Width: 75 km
    Volume: 8,400 km³
    the second largest and second deepest of the Rift Valley lakes at over 700 metres (2,300 ft), is drained by the Shire River, a tributary of the Zambezi River. Also known as Lake Nyasa.
  3. Harada la yidhaahdo Lake Malombe (450 square kilometres (170 sq mi)) is on the Shire River.
  4. Harada la yidhaahdo Lake Chilwa (1,750 square kilometres (680 sq mi), elevation 622 metres (2,041 ft)) has no outlet but extensive wetlands. It is the southernmost of the Rift Valley lakes.

Sidokale Waddanka Zambia dilaacu wuxuu ka saamayn doonaa;

  1. Harada la yidhaahdo Lake Mweru (5,120 square kilometres (1,980 sq mi) elevation 922 m) lies in the Lake Mweru-Luapula graben, which is a branch off the Albertine rift.
  2. Harada la yidhaahdo Lake Mweru Wantipa (1,500 square kilometres, elevation 930m).

Sidokale Waddanka Congo dilaacu wuxuu ka saamayn doonaa

  1. Harada la yidhaahdo Lake Albert/ Lake Mwitanzige/ Lake Mobutu Sese Seko,
    Area: 5,300 km²
    Length: 160 km
    Surface elevation: 619 m
    Volume: 132 km³
    Fish: Nile perch, Nile tilapia
    Inflow source: White Nile, Semliki
  2. Harada la yidhaahdo Lake Mweru Wantipa (1,500 square kilometres, elevation 930m).
  3. Harada la yidhaahdo Lake Edward or Lake Rutanzige. Area: 2,325 km²
    Surface elevation: 912.

Sidokale Waddanka Uganda dilaacu wuxuu ka saamayn doonaa;

  1. Harada la yidhaahdo Lake Edward or Lake Rutanzige. Area: 2,325 km²
    Surface elevation: 912.

ILLAAHAY baa xaqiiqada og oo ay tiisa tahay ee haddii ay dhacdo taasi, laba midkood ayey noqon;

  1. In ILLAAHAY inoo naxariisto oo uu qoomiyadaha Africa rabshadooda iyo dhibtooda ILLAAHAY inooga gargaaro oo uu innaga dhex saaro, Africa na innaga jaro oo uu dhulkeenna gaar inooga dhigo, si la mid ah Australia iyo Madagascar.
  2. Inuu ILLAAHAY ina halaago oo uu bad weynta hindiya ina dhex quusiyo innaga iyo dhulkeenna ba oo uu adduunka innaga tirtiro. Maadaama aynu fasahaad ka bixi weynay oo aynu qabyaalad, munaafaqad, musuqmaasuq, xasadnimo, cuqdad, caadifad, dulmi, dhiigmiirasho, xaaranquudasho, haybsooc, takoor, quudsi, boob, dagaal iyo daadinta muslin oo weliba dhiig sokeeye ah ka bixi waynay ilaa maantadan oo aynu reer reer iyo qabiil qabiil iyo jilib jilib u dirirayno oo aynu uurka iskaga wada bugno.

ALLAH AAN NAXARIIS WAYDIISANO DHAMAANTEEN SOOMAALIYEED

Dhulbeeg Axmed Mooge 🖊

Tixraac;

  1. geology,com/articles/east-africa-rift.
  2. m,timesofindia,com/world/in10-million-years-africa-splits-new-peaks-rival-himalayas/amp_articleshow.
  3. oxfordre,com/climatescience.
  4. kids-fun-science,com/rift-valleys.
  5. africa-arabia-plate,weebly,com/somali-plate.
  6. storymaps,arcgis,com/stories.
  7. The Rift Valley Lakes East African.
  8. geoengineer,org/news/is-africa-gradually-splitting-into-two-sections.
  9. Africa Geographic.

🖊️Dhulbeeg