Itoobiya: Abiy Axmed oo ka soo hanjabay jiidda hore ee dagaalka

Addis Ababa-(Berberanews)-Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr Abiy Axmed, ayaa ku hanjabay in dhowaan cagta la marinayo cadowga dalkiisa, isagoo shaaciyey in ciidammada dawladdu dib uga qabsadeen TPLF magaalooyin muhiim ah.


Abiy Ahmed ka hadlayey jiidda hore ee dagaalka maanta, ayaa ku dooday in dagaalyahannada fallaagada TPLF ay la kulmeen khasaare xilli ciidammada dawladdu kala wareegeen magaalooyin dhaca gobollada Amxaarada iyo Canfarta.
Ra’iisul Wasaaraha oo ku lebbisan tuutaha millateriga, wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalyahanada TPLF ay isa soo dhiibeen xilli ay ciidamnadiisu si wadaan hawlgalka lagu qabsanayo dhul badan.
Balse TPLF waxay dhankeeda sheegtay in istaraatiijiyad dagaal darteed ay uga baxeen magaalooyinkaas.
Shalay ayay ahayd markii hoggaamiyaha TPLF, Debresion Gabre Mikael uu sheegay in halgankooda ay sii wadayaan ilaa ay afka ciidda u daraan waxa uu ku sifeeyey cadowga ku qasbaya wadahadalka nabadeed.
Telefishinka Tigraay oo afka fallaagada TPLF ku hadla ayaa baahiyey wareysi ay la yeesheen hoggaamiyaha TPLF Dabresion Gabre-Mikael.
Hoggaamiyaha Tigray waxa uu sheegay xooggaga fallaagada TPLF inay ciidammada cadowga uu ku tilmaamay ay iska caabbin doonaan,  guulo wax ku ool ahna ka soo hoyn doonaan.

Berberanews.com
Info@berberanews.com