Isimada Puntland oo mulkiyadda hubka, gaadiidka iyo dhismeyaasha PSF u xukumay taliye Diyaano

BOOSAASO —(Berberanews)-Madaxda dhaqanka maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa soo saaray go’aamo ay mulkiyadda hubka, gaadiidka iyo dhammaan dhismeyaasha xarumaha ciidanka la-dagaallanka argagixisada ee PSF ugu xukumeen taliyaha ciidankaas ee xil-ka-qaadistiisu sababtay xiisad in muddo ah ka taagan magaalada Boosaaso, taas beddelkeedana uu wareejiyo xilka hoggaaminta ciidanka oo caddaysimo ah.
Qoraal isamada Puntland ka soo saareen Boosaaso caawa, ayaa lagu shaaciyey qodobbo ay sheegeen inay ku xallinayaan muran ka dhashaya xilka qaadista lagu sameeyey taliyaha ciidammada gaarka ah ee PSF Sarreeye Guuto Maxamuud Cismaan Cabdillaahi, mid cusubna loogu magacaabay.
Go’aan ka soo baxay Isimada Puntland oo ka kooban lix xubnood, ayaa  qodobka 1aad ee go’aankooda ku sheegay in la fuliyo wareegtadii uu madaxaweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni xilka kaga qaaday agaasimaha ciidanka PSF Mr. Maxamuud Cismaan Cabdillaahi, xilkaasna ugu magacaabay Maxamed Amiin Cabdillaahi.
Qodobka 2aad ayey isimadu ku sheegeen inay go’aamiyeen in guryaha, hubka iyo gadiidka ciidanka PSF uu mulkiyaddooda leeyahay sarreeye guuto Maxamuud Cismaan Cabdillaahi.
Waxa kale oo isimadu go’aamiyeen in xuquuqda ka maqan ciidanka PSF muddo 13 bilood ah uu bixiyo maamulka Putland iyo sidoo inuu bixiyo kharashka ilaalada taliyihii hore ee PSF.
Ugu dambayn, isimadu waxay ugu baaqeen dadka reer Boosaaso inay ka wada shaqeeyaan amniga iyo xasilloonida magaalada.

Berberanews.com
Info@berberanews.com