Ethiopia oo Maraykanka ku eedaysay ‘Burburin’

Etgiopia-(BerbeItoobiya ayaa ku eedaysay Mareykanka “in uu sii wado sheeko burburin ah” ka dib markii Washington iyo xulafadeeda ay ka dhawaajiyeen wararka sheegaya in mas’uuliyiintu ay si sharci darro ah u xishayaan muwaadiniinta sababo la xidhiidha qowmiyad.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, Billene Seyoum, ayaa shir jaraa’id ku sheegtay Salaasadii in tallaabooyinkan aan lagu beegsanayn “koox gaar ah oo dad ah oo ku salaysan haybtooda”. “In arrinkaas laga hadlo waa marin habaabin, kaliya maahan mid la marin habaabiyay laakiin sidoo kale waxay sii wadaysaa sheeko burburin,” ayay tidhi, iyada oo raacisay in xabsiyadu “ku salaysan yihiin caddayn iyo marag la aamini karo”.

Hadalkeeda ayaa yimid wax yar kadib markii dowladdu ay ku dhawaaqday inay dib ula wareegtay magaalooyinka muhiimka ah ee Dessie iyo Kombolcha Isniintii.

Mareykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka ayaa war ay si wadajir ah u soo saareen Isniintii shalay ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin warbixinadii ugu dambeeyay ee sheegaya in dowladda Itoobiya ay xabsiyada ku hayso muwaadiniin badan oo Itoobiyaan ah iyadoo aan wax dambi ah lagu soo oogin, waxayna ku booriyeen in la joojiyo dhammaan arrimahaas oo dhan.

Shaqsiyaadka ayaa la xidhaa oo xabsiga la dhigaa iyadoon wax dambi ah lagu soo oogin ama maxkamad la horgeyn, waxaana la sheegay in lagu hayo xaalado ka baxsan bini’aadantinimada.

Qaar badan oo ka mid ah falalkan waxay u badan tahay inay ka dhigan yihiin xadgudubyo sharciga caalamiga ah waana inay si degdeg ah u joojiyaan,” ayay yidhaahdeen dalalku.

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo dalka oo dhan ah horraantii bishii Nofembar ka dib markii jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ay sheegtay in ay horumarro ballaadhan ka sameysay waddo muhiim ah oo aada caasimadda Addis Ababa.

Berberanews.com
Info@berberanews.com